Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Boqollaal qoys ah oo ay saameysay fatahaad ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
June 20, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Daad baabi’iyay dhul beereed dhan 35,000 oo hiktar

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Lix tuulo oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay ka dhacday fatahaad uu sameeyay kanaal biyo-xireen ah oo qarqarka jabsaday markii uu buux-dhaafay. Fatahaadda ayaa dhacday kowdii bishaan Juun, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ah weriye joogo magaalada Balcad.

Dad lagu qiyaasay 2,800 oo qoys ayaa ku nool tuulooyinka Jameeco, Farbaraki, Damaleey, Faay-dhuxul, Goley-xaaji-cali iyo Saydiir. Dalagyo la goosan lahaa dabayaaqada bishan aan ku jirno ee Juun ayay qaadeen biyaha soo fatahmay, waxaa sidoo kale kala go’doomay tuulooyinka ay fatahaaddu ka jirto. Nolosha qoysaskaan waxay ku tiirsaneyd wax soo saarka beeraha, waxaana dhammaantood si isku mid ah u saameysay fatahaadda.

Dadka deegaanka oo aan taleefanka kula hadalnay ayaa noo sheegay, in webiga oo xilligii abaaruhu jireen uu buuxiyay bacaad fara badan, taasoo keenta in markii kanaalku uu buux-dhaafay uu ku darsamay webiga islamarkaana ay dhacday fatahaadda.

Cabdi Cali Ciise, oo kamid ah odayaasha tuulada Faay-dhuxul, oo hoos tagta Balcad, ayaa kamid beeraleyda uu tacabku ka khasaaray. Wuxuu sheegay in 10 hektar oo ay ugu beernaayeen galley, digir, disin iyo khudaar uu rajo beel ka yahay. Labo bilood ka hor ayuu tacbaday beerta, waxaana uu rajeynayay in dalagyada u abuurnaa uu goosan doono 27-ka bishan.

“Biyaha soo fakaday biyo ay wax ka badbaadaayaan ma ahan, biyo awood saa’id leh waaye, beer biyahaas ku soo fakadeen wax kama badbaadaayaan, xataa qof bani’aadam ah ma dhexgali karo, mana haweysan karno biyahaas doon in lagu dhex maro ma ahane”

Qoyskiisa oo 17 qof ah ayaa ku tiirsanaa waxa ka soo go’a beerta, waxaana ay ka dhigan jireen keyd ay cunaan ilaa tacabka kale laga gaaro. Cabdi, ayaa xusay in qaar ka mid ah dalagyada uga soo go’a beerta uu u iibgeyn jiray suuqa degmada Balcad, si uu iskaga dabarro waxyaabaha kale ee daruuriga ah ee ay baahan yihiin, sida daawada, arrad tirka, qalabka beerta lagu falo iyo lacagta uu carruurta uga bixiyo dugsi quraanka.

“Boqolki koobmo ee galleyda waxay joogtaa 50 kun oo shilin, dalagga noo baxana dibad looma iibgeeyo, wixi kuu soo baxa qaali ma aha oo lacag fiican kama heleysid, beertii xataa cagafta lagu falaayo halki saac waa 15 doolar”

Seynab Abuukar Cali, oo ah hooyo carruurteeda oo 5 ah keligeed korsato ayaa kamid ah, dadka noloshooda ay beeraha ku tiirsanayd. Waxay ku nooshahay tuulada Faay-dhuxul, oo kamid tuulooyinka biyaha ugu badan ay galeen beeraha. Waxaan ku wareysannay khadka taleefanka, waxayna noo sheegtay in 5 hektar oo ay ugu beernaayeen galley, digir labo nooc ah, sisin iyo khudaar ay biyaha ka qaadeen.

“Labo hektar waxaa iigu abuurnaa sisin, hal hektarna waxaa iigu abuurnaa bocor iyo yaanyo bislaatay oo gacan saar ah, labo hektar waxaa iigu abuurnaa galley iyo digir, wixi oo dhan wax badbaaday malaha, beerihii biyo ayaa qaaday”

Waxay sheegtay in nolosha qoyskeeda ay hadda ku tiirsan tahay galley ay u soo qaaraameen dad ehelladooda ah oo joogo tuulooyin kale ka hor inta aysan fatahaaddu go’doominin, iyo kalluun ay ka soo dabtaan biyaha soo fatahmay.

“Fasalki hore wixii aan abuurtay, 7 bilood oo jilaal ah oo la joogay baan uga soo baxay, wixi iiga soo harayna beerta ayaan dib u galiyay oo wax hakuu kordhaan ayaan lahaa”

Seynab ayaa tilmaantay in beerta ay tacbato hal hektar oo kamid ah uu ka kireysan yahay, waxayna ku bixisaa lacag $100 sanadkiiba mar, maaddaama afar hektar oo iyadu ay leedahay aysan ku filneyn, islamarkaana ay hektarka shanaad ku darsatay oo ay kireysatay. Waxay xustay in aanay laheyn xirfad kale oo ay ku shaqeysato, dhaqaale meel kale ka soo galana uusan jirin.

Sanadkan, Seynab waxay rajeynaysa in dalagyada u soo go’a marka ay iibgeyso in ay ku soo beddelato neefaf ari ah oo ay dhaqato, laakiin rajadaas hadda meesha way ka baxday, oo waxaa baabi’iyay fatahaadda.

Seynab oo keliya ma ahan beeraleyda ay rajadoodii burburisay fatahaadda, ee waxaa sidaas oo kale quus ka noqday beertiisa, Cabdullaahi Xasan Cali oo beer 15 hektar ku leh tuulada Goley-xaaji-cali oo 10 km u jirta degmada Balcad.

Beerta iyo tacabka dalagyada waxay aheyd waxa keliya ee noloshooda ay ku tiirsanayd. Waa 50 jir, noloshiisoo dhan ahaa beeraley, qoyskiisa oo 25 qof ahna waxay ku noolaayeen wax soo saarka beerta.

“Waxba ma iibinno, oo galleyda waan dhiganna, waxaan ku sugnaa badar kale oo aan tacbaneyno, waxaan iska iibinnaa sisinta iyo yaanyada, oo aan ku maareyno dugsiga ilmaha iyo beerta falkeeda, galleyda iyo digirtana annagaa cunno”

Qorshihiisa xilligaan wuxuu ahaa in uu iibsado matoor uu beerta ku waraabsado, haddii uu goosan lahaa dalagyada u tacbanaa ee biyuhu ay ka qaadeen. Wuxuu sidoo kale qorsheynayay in uu iska bixiyo deyn 4 kun oo doolar gaareyso oo lagu yeeshay labadii sano ee u dambeeyay, maaddaama uu yaraa wax soo-saarkii beertiisa. Lacagtaas wuxuu u isticmaalay abuurka, iyo falista beerta 4 xilli oo la soo dhaafay.

Guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda degmada Balcad iyo tuulooyinka hoostaga, Sheekh Cismaan Sheekh Mustaf Cabdicasiis, oo aan la hadalnay isna ayaa noo sheegay in dhul-beereedka lixda tuulo ee ay fatahaaddu saameysay  ay gaarayaan 11,080 beerood.

“Iskaashatada awal qeyb bay biyaha galeen, oo Xawaadley ay kamid tahay, Shanlow, Dhagaxoow, Yaaqle, gurmad badan baan u sameynay, haddana qeybtii bari bay u soo gudbeen biyihii, qorshaan u wadnaa, kolley wixii ka baxay uma sameyn karno, laakiin hay’adaha FAO iyo UNDP waan la hadalnay, iskaashatada beeraha ee Soomaaliya waan la hadalnay, annagana dhaqaale ayaan u aruurinay si dadkaas aan u caawinno”

Wuxuu intaas ku daray dadka ay fatahaaddu saameysay ee beeraleyda ah ay u baahan yihiin gargaar raashin iyo daawo, maaddaama malaariyada oo ka id ah xanuunnada biyaha ka dhasha ay dadkaasi qaadeen.

Dr. Ilyaas Maxamed Ibraahim, oo ka howlgala isbitaalka Bisha-Cas ee ku yaalla degmada Balcad,ayaa u sheegay Raadiyo Ergo, in toddobaadkan ay isbitaalka yimaadeen bukaanno qabo malaariya, tiifow iyo xanuunnada ku dhaca maqaarka oo ay ka qaadeen fatahaadda ka dhacday deegaannadooda. Dadkaan ayaa Balcad ku yimid doomo, xilli ay go’doonsan yihiin oo gaadiid kale aysan isticmaali karin.

“Cudurrada hadda noo yimid, waa dhowr iyo toban kiis oo malaariya ah, ilaa 20 tiifow ah, waxaanan ku xaqiijinnay dadku waa dad la yaqaan oo mar hore imaan jiray”

Bishii hore ee May, waxay fatahaad sidan oo kale u saameysay toddobo tuulo oo ka tirsan degmada Balcad, waxayna saameyn dhanka nolosha ah iyo khasaareba u gaysatay beeraleyda ku nool tuulooyinkaas.

Previous Post

Labo qof oo ku dhintay roob dabeyla wato oo toddobaadkaan ka da’ay deegaanno ka tirsan Hargeysa

Next Post

Barnaamijka beeraha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Barnaamijka beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo