40 haween ah oo kamid ah dadkii ku xoolo beelay abaarihii dalka ku dhuftay ayaa fursado shaqo abuur ka helay haween iskaashada hilibka magaalada Laascaanood.
Haweenka fursadan ka faa’iideystay ayaa kamid ah qoysaska ku ceyrtoobay abaaraha, kana soo barakacay deegaannadii ay deganaayeen. Wariyaheena Faarax Dubad ayaa warbixintaas noo haya.










