Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaalida baasaboorrada shisheeye wadata ayaa ka fursado shaqo badan dhallinyarada gudaha

Radio Ergo by Radio Ergo
February 23, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaalida baasaboorrada shisheeye wadata ayaa ka fursado shaqo badan dhallinyarada gudaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Soomaalida dibadda ka soo noqoneysa ee wadata baasaboorrada shisheeye ayaa hela fursadaha shaqo ee ugu fiican dalka. Tan ayaa loo arkaa sabab kale oo weyn oo dhallinyarada jaamacadaha gudaha ka qalinjebinaysa ku dhiirrigelinaysa inay tahriibaan si ay iyaguna u soo helaan dukumiinti fursaddiisa wata.

Mas’uuliyiinta xilalka ugu sarreeya ka haya dowladda federaalka ah iyo goleyaasheeda, hay’adaha aan dowliga ahayn iyo qaar ka tirsan ganacsiyada sida xooggan loo maalgashaday waxay haystaaan baasaboorro dalal kale. Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuddey ayaa weriyaha Ergo ee Muqdisho u sheegay in mas’uuliyiintaas ay qurbajoogta u fududeeyaan shaqo ka helista gudaha.

Muudey ayaa sheegay inuu dhowr jeer dowladda kala hadlay in mudnaanta la siiyo dhallinyarada gudaha ee wax ku bartay duruufaha adag si loo dhiirrigeliyo.

Sahra Sheekh Yuusuf oo dhigata kulliyadda maamulka ganacsiga (BA) ee jaamacadda Muqdisho waxay labo sano kaddib qorsheyneysaa inay tahriibto marka ay waxbarashada dhameyso. Sababtoo ah rajo kama qabto inay aqoontaas shaqo uga heli doonto gudaha.

“Isma lihi shaqo ayaad dowladda ka heli doontaa maadaama aanan haysan baasaboor dal kale. Dowladdu waxa ay dowrbiddaa oo fursadaha shaqo la siiyaa dadka qurbaha ka yimaada,” ayay tiri. Waxay intaas ku dartay in xitaa mararka qaar fursadaha soo baxa loo bandhigo dad aan dalkaba joogin. Xitaa tirada yar dhallinyarada gudaha ee shaqooyin helay ayay xustay in lagu siiyay garab ama qabiil, oo ay haddana ka mushaar yar yihiin shaqaalaha qurbo-joogta ah.

Inkastoo aan tiro sax ah laga heyn, haddana dhallinyaro badan oo jaamacado ka baxay ayaa la ogyahay inay xaafad-joog yihiin shaqo-la’aanta darteed, kuwaas oo aan xitaa lahayn rajo shaqo helis ah oo dhow. “Mar kasta oo aan imtixaan u galo shaqo in la i soo wacayo ayaa la ii sheegaa. Se guul iyo guuldarro midna la iima soo waco,” ayuu yiri Cumar Cismaan Maxamed oo ka baxay kulliyadda maamulka guud ee jaamacadda Soomaaliya. Ilaa toddobo jeer ayay sidaas ku dhacday tan iyo markii uu waxbarashada heerka koowaad dhammeeyay Abriil 2016.

Wuxuu aaminsan yahay in fursadihii ay xaqa u lahaayeen dhallinyarada gudaha wax ku bartay la siiyo dad dibadda ka soo noqday.

Cilmiga uu bartay waxaa looga shaqeeyaa xafiisyada danta guud. Wuxuu u tartamay shaqooyin ka bannaanaa xafiisyada dowladda, hay’adaha iyo shirkado gaar loo leeyahay. “Sababta ugu weyn ee aan shaqo u helin weli ma ahan aqoon iyo karti xumo dhankeyga ah”.

Toddobo saaxiibbadiis ah oo ay jaamacadda wada dhameeyeen ayaa markii ay shaqooyinka gudaha ka quusteen u tahriibay Yurub. Laakiin safarkaas halista ah kama uusan caawin inay shaqooyin helaan. Waxay iyagoo qaxooti ah ku jiraan xeryo ku yaalla dalalka Norway, Sweden iyo Denmark. Sida badan, dhallinyarada sidaan ku tahriibta qaarkood waxa ay dib dalka ugu soo noqdaan iyaga oo wata baasaboorrada dalka ay degenaashada qaxootinimo ka heleen, kana fursado fiican kuwa dalka jooga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Saciid Axmed Mire oo aan la xiriirnay ayaa beeniyay eedeynta dhallinyarada aan la hadalnay. Wuxuu sheegay in ay ahmiyadda koowaad siiyaan kuwa dhameeyay jaamacadaha gudaha, shaqooyinka xafiisyada dowladdana ay ku badan yihiin, laakiin tiro nooma sheegin.

Previous Post

Biyo la’aanta oo sababtay in qiimaha biyuhu kordhaan

Next Post

Laascaanood: Haween shaqo abuur loo sameeyey

Related Posts

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA EE SUUQYADA SOOMAALIYA

Laascaanood: Haween shaqo abuur loo sameeyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-SEP-2026

IDAACADDA 23-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo