Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Biyo la’aanta oo sababtay in qiimaha biyuhu kordhaan

Radio Ergo by Radio Ergo
February 23, 2018
in Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan daran oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Photo | Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qiimaha biyaha ayaa ka qaaliyoobay deegaannada Dacarta, Laasa Dacawo, Xagal iyo Laas ciid oo dhammaantoodba hoostaga magaalada Hargeysa ee Somaliland. Qiimaha lagu kala gata biyaha ayaa gaaray qiimo sare labadii toddobaad ee u dambeysay kaddib markii  ay gureen baraagihii iyo ceelashii ay dadka iyo xooluhuba ay ka cabi jireen biyaha. Guritanka ilo biyeedkan ayey ugu wacan tahay abaarro is-xig-xigay iyo roob la’aan deegaannad ku soo noq-noqday.

Deegaannadan oo dad tiro ahaan gaaraya 22 kun ay ku nool yihiin ayaa qiimaha biyaha ay laba jibaarmeen, waxayna foostadii biyaha gaareen $3, halka booyada biyaha oo qaado 35 fuusto ay tahay $150. Toddobaadyo ka hor waxay qiimaha biyaha deegaannadan ka marayeen foostadii hal dollar, booyadiina waxay aheyd $40.

Biyo la’aantan ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay dadka reer guuraaga ah oo abaarahii dalka ku dhuftay ku ceyrtoobay, jiilaal daba-dheeraadayna soo maray, waxayna hadda billaabeen in ay biyo ka soo iibsadaan tuulada Arabsiyo oo 40KM u jirta mmagaalada Hargeysa.

Qoyska Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa kamid ah kuwa ay si darran u taabatay biyo la’aantu. Axmed sagaal neef oo uu lahaa ayuu ku soo beddeshay 7 maalmood ka hor 15 foosto oo biyo ah oo uu ku keydsaday gurigiisa si uu biyo ugu helo qoyskiisa.

Wuxuu Radio Ergo u sheegay in ceelashii ay ka cabi jireen ay qalaleen sanad roob la’aan ah, noloshii qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof iyo xoolo afartan neef oo uu lahaa ayuu sheegay in ay haraad  ba’an galeen markii ay waayeen meel ay ka cabaan.

”Markii ay naftii ka bixi gaadhay carruur iyo xoolo ayaan xoolihii oo aan la iibsanayay Hargeysa u soo kaxeeyay si aan biyo ugu beddesho, wax waliba way joogsadeen oo biyihii masaafo durugsan oo aan lug lagu gaadheyn ayaa laga helayaa”

Xabiiba Cabdi Muxumed waxay kamid tahay 700 qoys oo deegaanka Dacarta horraantii bishan ka hayaamay biyo la’aan ka jirta awgeed, waxayna qoysaskaas gaareen deegaannada Gabiley, Arabsiyo iyo Botar. Xabiibo waxay laheyd labaatan neef oo adhi. Laba jeer ayay suuqa Hargeysa keentay Lix kamid ah xoolaheeda si ay biyo u hesho balse nasiib darro lama iibsan oo dib ayay ugu celisay guriga.

Waxay sheegtay in ay biyo la’aan ku haysatay deegaankeeda ay  keentay i ay  lugeyso 7 saacadood si ay biyo u hesho, iminka waxaa ay ku sugan tahay deegaanka Botar oo 55-km u jira Hargeysa oo ay foostada biyaha ku hesho hal doolar iyo badh, lacagta ay ku iibsanayso biyaha waxaa ay sheegtay in Hargeysa ay uga diraan dad ay qaraabo yihiin.

”Carruurtii maydhashadii waa hore ayaa ugu dambeysay, in cunaha la qooyo ayaanu raadinaynaa, wax kale ma jirto, foostada waxaan isku filaysiinayaa toban maalmood halka markii hore aan ka isticmaalayay laba cisho”

Ganacsatada booyadaha biyaha ka shaqeeya waxay sheegayaan in sababaha kale ee keenay in biyuhu qaaliyoobaan ay tahay in lagu kordhiyey lacagtii ay ceelasha kaga soo qaadi jireen biyaha iyo in qiimaha shidaalka uu xitaa kordhay.

Aadan Cabdi Faarax oo kamid ah odayaasha deegaanka Dacarta ku nool waxaa uu sheegay in marka uu helo biyo aanay ku filnaanayn nolosha qoyskiisa oo ay u waraab u soo doontaan dadka deegaanka ee aan awoodin in ay biyo gataan. Isagoo ka waramayey dhacdooyinka xanuunka badan ee uu kala kulmay dumar aan laba maalin carruurtooda cunto u karin biyo la’aan awgeed wuxuu yiri;

”Gabadh ayaa saddex saacadood u soo lugeynaysay in ay laba jirkaan iga dhaansato markii ay ii timid ayay ii sheegtay inaanay laba maalin cuno u karin carruurta oo ay biyo la’aani hayso. Gabadhu deegaanka ayay kamid ahayd laakiin saddex saacadood ayay soo socotay waxay ahayd xoolo dhaqatada deegaanka oo lacag ay biyo ku shubtaana waaya, dameertii ay wadatay ayaan afar jirkaan ugu shubay”

Farxiya Axmed Cabdi oo ah hooyo dhashay saddex carruur ah waxay awoodi wayday lacagta biyaha lagu kala gato, 50 adhi ah oo ay laheyd ayaa abaartii sanadkii hore ka raacay. Waxay sheegtay in ay iyada iyo carruurteeda ay ku nool yihiin biyo ay ka helaan qoysaska ay jaarka yihiin oo booyado biyaha ka shubta.

”Nadaafaddii guriga meesha ayay ka baxday, mar kaliya ayaa qiimihii is beddelay. Runtii xaalad adag oo aan maqal lagaga sheekayn karin ayaa na haysata, carruurtii cunihii ayaa loo qoynayaa, xoolihii toban maalmood wax ka badan ayay qadayaan”

Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud Guddoomiyaha Degmada Dacartu waxaa uu Ergo u sheegay in xaaladda biyo la’aantu ee sii xumaanayso loo baahan yahay in dadkaasi biyo dhaamin bilaash ah ay helaan.

”Biyhii marka la kaydiyo cayayaan ayaa ku dhalanaya oo dadkii dhib kale ayaa qabsatay, caafimaad daro inay ka qaadaan ayan ka baqaynaa, balse iminka gurmadka ugu weyn ee ay u baahan yihiin waa gargaar biyo dhaamin ah in lala soo gaadho”

Deegaannada waxaa biyo la’aan ugu dambeysay shan sano ka hor, wakhtigaasi waxaa ugu dhintay biyo la’aanta deegaanka Dacarta laba qof iyo kumannaan xoolo ah oo ay dhaqan jireen dadka reer miyiga ah.

Previous Post

Buulo-burte: Dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka

Next Post

Soomaalida baasaboorrada shisheeye wadata ayaa ka fursado shaqo badan dhallinyarada gudaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Soomaalida baasaboorrada shisheeye wadata ayaa ka fursado shaqo badan dhallinyarada gudaha

Soomaalida baasaboorrada shisheeye wadata ayaa ka fursado shaqo badan dhallinyarada gudaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo