Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoolo-dhaqatada abaarta ku ceyrtoobay ee Sool oo bartay farsamooyin ay magaalooyinka uga shaqeystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 15, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqatada abaarta ku ceyrtoobay ee Sool oo bartay farsamooyin ay magaalooyinka uga shaqeystaan

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Feysal Abshir oo ahaa geeljire uu qoyskiisu ku xoolo beelay abaarta ayaa muddo saddex bilood ah farsamada korontada uga shaqeysta magaalada Laascaanood iyo deegaannada u dhow ee gobolka Sool. Dhaqaalaha uu ka helo wuxuu ku caawiyaa qoyskiisa oo curad uu u yahay kuna nool xero lagu barakacay oo ku taalla deegaanka Awr-boogeys oo qiyaastii 160 km u jira meesha uu joogo. Horraantii sanadkii hore ayaa ugu horreysay aragtida iyo iscticmaalka korontada oo tababar lix bilood ah uu ku bartay sida loo farsameeyo.

Feysal oo 25 jir ah wuxuu maalmaha qaar fursad u helaa saddex ilaa afar shaqo oo kala duwan. Iskiis ayuu u shaqeystaa, wuxuuna ku howlgalaa sanduuq yar oo ay ugu jiraan qalabka korontada lagu farsameeyo. Qoysas deggan Laascaanood, Tukaraq 50 km, Yagoori 52 km iyo Xuddun 85 ayaa u yeerta si uu ugu cillad-bixiyo korontada ama uu xarko cusub ugu xiriiriyo. Mid ka mid ah labo shirkadood oo korontada ah oo ka howlgala magaaladana ula shaqeeyaa si madax-bannaan wuxuu mararka ay shaqooyinka culus qabanayaan.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay xirfaddan cusub inay u abuurtay rajo uu qoyskiisa uga maarmi karo ku tiirsanaanta kaalmada dadka kale. Celcelis ahaan $15 oo soo gasha maalinta uu shaqeeyo waxay reerkiisa ugu filan tahay raashinka, arrad-baxa, caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin. Wuxuu sidoo kale ku hanweyn yahay haddii dhaqaale fiican uu u aruuro inuu qoyskiisa xoolo u iibiyo si ay dib ugu noqdaan noloshii miyiga.

Dugsi gaar loo leeyahay oo lagu barto xirfadaha oo ku yaalla Laascaanood ayaa xoolo-dhaqatada ku taageera barashada farsamada gacanta. Feysal nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Cali Xirsi Jaamac ayaa aasaasay iskuulka, kuna dhiirrigeliyay inuu ka barto xirfaddan. Iskuulka oo qofka  deegaanka ah uu bishii ku dhigto $25 ayuu lacag la’aan dhigtaa qofka reer miyiga ah ee ay abaartu soo barakicisay. Farsamada korontada, dhismaha noocyada guryaha iyo riinjiyeyntooda ayaa lagu bartaa iskuulkan.

Cali Xirsi oo injineer korontada bartay ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay taageerada waxbarasho oo uu soo billaabay sanadkii 2016 inay ka faa’ideysteen 90 qof oo dadka abaaraha ku ceyrtoobay ah. Lixdan ka tirsan ayaa hadda la shaqeeya shirkadaha korontada iyo kuwa dhismaha ee magaalada. Waxaa dugsiga u diiwaangashan 400 oo qof oo kale oo fursaddooda sugaya sida uu noo sheegay maamulaha, maalin kastana kuwo hor leh ayaa u taga. Laakiin dugsigu ma wada qaabili karo dadkaas oo dhan. Bishan ayuu qaatay 23 arday, kuwa kalena hadba sida ay u soo kala horreeyeen ayaa dufcad dufcad loogu qaadan doonaa.

Qoyska Feysal oo ku noolaa miyiga Awr-boogeys ayay abaarta uga dhinteen 180 ari ahaa iyo 15 geel ahaa.

Sidoo kale, dadka abaarta ku xoolo-beelay waxay ka shaqeeyaan hoteellada iyo maqaayadaha Laascaanood oo ay ka yihiin adeegeyaal iyo shaqaalaha nadaafadda. Waxay sidoo kale ku badan yihiin dugsiyada oo xilliyada habeenkii ay wax ka bartaan.

Previous Post

Abaarta oo hoos u dhigtay xoolihii lagu kala iibsan jiray Wajaale

Next Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo