Suuqa xoolaha ee degmada Wajaale oo ku taalla xuduuda ay Somaliland la wadaagto Itoobiya ayaa laga dareemayaa hoos u dhac u ku yimii xoolihii la keeni jira, kadib markii abaar daba dheeraatay ay deegaannadaas ka jirtay muddooyinkii danbe.
Wajaale oo ay ku taallo sayladda ugu wayn galbeedka Somaliland ayay kasoo xeroon jirtay dakhli badan. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Hargaysa innooga soo diray Ilyaas Cabdi Cali.










