Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Abaarta oo hoos u dhigtay wax-soo-saarkii beeraha Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
January 3, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Abaarta oo hoos u dhigtay wax-soo-saarkii beeraha Somaliland

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Wax soo-saarkii beeraha ee deegaannada Somaliland ayaa 75 boqolkiiba hoos u dhacay sanadkii dhamaaday, taas oo ay ugu wacan tahay abaarta. Ma di’in roobkii gu’ga ee la filayay bilihii u horreeyay sanadka, sidoo kalena wuu yaraa roobkii deyrta oo da’ay bishii Oktoobar kana soo dib dhacay xilligiisii. Gabiley oo roobkaas uu si fiican uga da’ay ayaa ah degmada keliya ee ay dadku si wanaagsan uga faa’ideysteen beerashada.

Beeraha loo tacban waayay roob-yarida waxay ku yaallaan gobollada Somaliland ee kala ah Oodweyne, Hawd iyo Maroodi-jeex, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Isku-duwaha wasaaradda beeraha Somaliland ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdirisaaq Sheekh Muxumed. Afartan boqolkiiba dadka ku nool Somaliland ayuu xusay inay noloshooda ku tiirsanayd wax-soo-saarka beeraha. Waxay isugu jiraan qaar cunno ahaan u isticmaala, kuwo ka ganacsada iyo reer miyi balka siisan jiray xoolahooda.

Maxamuud Jibriil Cismaan ayaa ka mid ah dadka xoolo-dhaqato-beeraleyda ah ee ay saameysay roob-yarida. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in abuur uu bishii Agoosto ku diyaarsaday beertiisa oo afar hektar ah uu qallalay markii ay deyrtu baaqatay. Si uu waxyeellada cunto-yarida uga badbaadiyo qoyskiisa oo toddobo qof ka kooban wuxuu hadba suuqa geeyaa mid ka mid ah 43 neef oo uu dhaqdo oo lo’ iyo ari isugu jira. Marar aan badneyna wuxuu caawimaad ka helaa qaraabadiisa.

Ninkan oo deggan miyiga lagu magacaabo Jufada oo 20 km u jira Gebiley ayaa tilmaamay inay beerta u ahayd il uu guriga cunto ugu helo, xoolahana uu uga ilaaliyo abaarta. Sanadkii hore wuxuu goostay 50 loor oo galley iyo masaggo isugu jira oo uu ka dhigtay cunto iyo qeyb uu suuqa u iib geeyay.

Beeraleyda wax keyd ah ugama harin dalaggii uga soo go’ay beerahooda, intii ay horay u heysteen waxay uga soo gudbeen lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan oo isugu jiray jiilaal iyo baaqashadii gu’ga.

Sare u kac ayaa laga dareemayaa raashinka ka soo go’a beeraha. Loorka galleyda ah oo lix bil ka hor ahaa $15 wuxuu hadda marayaa $30. Dalagyada suuqyada laga heli karo waxaa intooda badan laga keenaa dhinaca Itoobiya.

Reer miyiga beeraha ku tiirsanaa waxay wajihi karaan xaalad kale oo la mid ah abaarihii sanadihii la soo dhaafay, sida uu aaminsan yahay Cabdiraxmaan Xasan Aweys oo kontonkii sano ee u dambeeyay ka shaqeynayay arrimaha beeraha iyo wax-soo-saarka. Waa isku-duwihii hore ee wasaaradda beeraha ee Maroodijeex.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qofka marka uu waayo hab uu dalag ugala soo baxo beeraha uu dhaxlayo faqiirnimo, cuntada dibadda ka timaada oo aanay wada heli karinna ay dadka gaarsiiso heer ay jilcaan.

Previous Post

Cayayaan quus geliyay beeralayda Qansaxdheere

Next Post

Isbitaalka degmada Xudur oo saddex sano kadib dib loo furay

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Isbitaalka degmada Xudur oo saddex sano kadib dib loo furay

Isbitaalka degmada Xudur oo saddex sano kadib dib loo furay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo