Wax soo-saarkii beeraha ee deegaannada Somaliland ayaa 75 boqolkiiba hoos u dhacay sanadkii dhamaaday, taas oo ay ugu wacan tahay abaarta. Ma di’in roobkii gu’ga ee la filayay bilihii u horreeyay sanadka, sidoo kalena wuu yaraa roobkii deyrta oo da’ay bishii Oktoobar kana soo dib dhacay xilligiisii. Gabiley oo roobkaas uu si fiican uga da’ay ayaa ah degmada keliya ee ay dadku si wanaagsan uga faa’ideysteen beerashada.
Beeraha loo tacban waayay roob-yarida waxay ku yaallaan gobollada Somaliland ee kala ah Oodweyne, Hawd iyo Maroodi-jeex, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Isku-duwaha wasaaradda beeraha Somaliland ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdirisaaq Sheekh Muxumed. Afartan boqolkiiba dadka ku nool Somaliland ayuu xusay inay noloshooda ku tiirsanayd wax-soo-saarka beeraha. Waxay isugu jiraan qaar cunno ahaan u isticmaala, kuwo ka ganacsada iyo reer miyi balka siisan jiray xoolahooda.
Maxamuud Jibriil Cismaan ayaa ka mid ah dadka xoolo-dhaqato-beeraleyda ah ee ay saameysay roob-yarida. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in abuur uu bishii Agoosto ku diyaarsaday beertiisa oo afar hektar ah uu qallalay markii ay deyrtu baaqatay. Si uu waxyeellada cunto-yarida uga badbaadiyo qoyskiisa oo toddobo qof ka kooban wuxuu hadba suuqa geeyaa mid ka mid ah 43 neef oo uu dhaqdo oo lo’ iyo ari isugu jira. Marar aan badneyna wuxuu caawimaad ka helaa qaraabadiisa.
Ninkan oo deggan miyiga lagu magacaabo Jufada oo 20 km u jira Gebiley ayaa tilmaamay inay beerta u ahayd il uu guriga cunto ugu helo, xoolahana uu uga ilaaliyo abaarta. Sanadkii hore wuxuu goostay 50 loor oo galley iyo masaggo isugu jira oo uu ka dhigtay cunto iyo qeyb uu suuqa u iib geeyay.
Beeraleyda wax keyd ah ugama harin dalaggii uga soo go’ay beerahooda, intii ay horay u heysteen waxay uga soo gudbeen lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan oo isugu jiray jiilaal iyo baaqashadii gu’ga.
Sare u kac ayaa laga dareemayaa raashinka ka soo go’a beeraha. Loorka galleyda ah oo lix bil ka hor ahaa $15 wuxuu hadda marayaa $30. Dalagyada suuqyada laga heli karo waxaa intooda badan laga keenaa dhinaca Itoobiya.
Reer miyiga beeraha ku tiirsanaa waxay wajihi karaan xaalad kale oo la mid ah abaarihii sanadihii la soo dhaafay, sida uu aaminsan yahay Cabdiraxmaan Xasan Aweys oo kontonkii sano ee u dambeeyay ka shaqeynayay arrimaha beeraha iyo wax-soo-saarka. Waa isku-duwihii hore ee wasaaradda beeraha ee Maroodijeex.
Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qofka marka uu waayo hab uu dalag ugala soo baxo beeraha uu dhaxlayo faqiirnimo, cuntada dibadda ka timaada oo aanay wada heli karinna ay dadka gaarsiiso heer ay jilcaan.