Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barnaamijka Beeraha

Cayayaan quus geliyay beeralayda Qansaxdheere

admin by admin
January 2, 2018
in Barnaamijka Beeraha, Wararkii u Danbeeyay
0
DHOBLEY FARMERS SEE BENEFIT OF WATER CONSERVATION

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cayayaan uu ka mid yahay ayax ayaa labadii bil ee u dambaysay baabi’yay qiyaastii saddex kun oo beer oo ku yaalla degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay. Beerahan waxaa ka baxayay galley, masaggo, digir iyo sisin. Qoysaska deegaanka oo ay noloshooda ku tiirsaneyd, ayaan xilligan sugeyn, dalagyo u soo go’a. Waxa keliya ee ay ka filanayaan ayaa ah balka oo ay xoolohooda siisan karaan.

Keerow Isxaaq Maxamed oo keliya waxaa ka baaba’day beer 8 hektar ah. Dalag ka badan boqol kiintaal oo uu filayay inuu ka helo bishan Jannaayo, waxaa uga soo go’day afar kiintaal oo keliya.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in kharashka ka galay abuurka beerta oo dhan Ssh21M ($777) ay ahayd deyn. Waxay ku baxday falka, abuurka iyo carra gedinta beerta. Waa markii ugu horraysay ee deegaankaas uu roob ka da’o muddo saddex sano ah, taas oo keentay in ay dadku ku dhiirradaan wax-soo-saar.

Keerow oo qoyskiisu uu ka kooban yahay 15 qof ayaa horay abaarta darteed ugu barakacay duleedka magaalada Baydhabo, balse wuxuu dib ugu noqday markii uu da’ay roobkii deyrta bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Wuxuu xusay inay burburtay rajadii uu ka qabay in qoyskiisa uu ka soo kabto abaarta.

Dayrtii hadda laga baxay ayaa ahayd xilli roobaadkii ugu fiicnaa marka loo barbar dhigo sanadihii lasoo dhaafay. Waxaana deegaannada ku hareeraysan Qansaxdheere ka da’ay roobab fiican.

Faadumo Cabdullaahi Maxamed oo bilawgii wakhti roobaadka tacab gelisay laba beerood oo midkiiba cabirkeedu dhanyahay saddex hiktar, isla markaana ay ku beertay Masago iyo Digir ayaan waxba uga soo go’in kadib markii cayayaan ku degay. Qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof ayaa markii hore ku adkaysay inaanay ka barakicin deegaankooda oo ay xoogga saaraan sidii ay beerta u falan lahaayeen marka wakhti roobaadka la gaaro, balse arrintaasi uma hirgelin.

Hadda Faadumo iyo qoyskeedu waxay hoos joogaan gurigooda. Waxayna ka fekerayaan sidii ay noloshooda ku maarayn lahaayeen. Xilligii abaarta ayay sheegtay inay ku xamaalan jirtay dhar-dhiqis iyo xaabo ay u iib gayso Qansaxdheere.

Maxamed Nuur Cabdi oo kamid ah iskaashata beeralayda Qansaxdheere ayaa sheegaya in beeraha saamayntu kasoo gaartay cayayaanka ay isugu jiraan kuwo laga rajo beelay oo dadkii lahaa ka niyad jabeen iyo kuwo wali laga sugayo in ay wax kasoo go’aan oo qayb ahaan ka bad baaday dhibaatada cayayaanka.

Wuxuu intaas ku daray in nolosha dadka deegaanka wax badan iska bedeli lahayd haddii ay beeruhu sidii la rabay usoo go’i lahaayeen oo ay ka bad baadi lahaayeen cayayaanka. Hada se ay jirto walaac ay dadku ka qabaan sida ay noloshoodu noqon doonto.

Previous Post

Ku soo dhowow xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Abaarta oo hoos u dhigtay wax-soo-saarkii beeraha Somaliland

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Abaarta oo hoos u dhigtay wax-soo-saarkii beeraha Somaliland

Abaarta oo hoos u dhigtay wax-soo-saarkii beeraha Somaliland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo