Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Carruur nafaqo-darro ka dhalatay abaarta ugu geeriyootay Balli-mataan, Somaliland

admin by admin
December 6, 2017
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Haweeney umul ahayd oo nafaqo darro ugu dhimatay degmada Rabdhuurre

Sawir/Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Samiira Dirir Aadan oo 16 bilood jirtay ayaa ahayd qofkii u dambeeyay ee nafaqo-darro ugu dhinta xero lagu barakacay oo ku taalla deegaanka Balli-mataan oo 70 km u jira Hargeysa. Gabadhan oo dhimatay labadii Diseembar ayaa 24 ka dhigeysa tirada carruurta labadii bil ee u dambeysay nafaqo-darrada ugu dhintay halkaas sida uu sheegay Dr. Khaalid Cabdi Yuusuf oo ah maamulaha xarunta caafimaad ee deegaanka.

Dhaqtarka ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in nafaqo-darrada oo ka dhalatay cunto-yari ay sababtay abaarta oo weli ka taagan deegaanka ay u jiifaan 254 carruur ah. Sida uu tilmaamayo tobankii carruur ah ee xaruntooda la soo gaarsiiyo saddex ka tirsan ayaa qabta nafaqo-darro heerka aadka u liita ah.

Xarunta caafimaad ma laha meel gaar ah oo la seexiyo bukaannada, mana taallo dawo ku filan baahidan caafimaad. Laakiin bukaannada loo keeno oo baaritaan kaddib xarunta laga celiyo wuxuu buskut iyo caano nafaqada soo celiya ku siiyaa aqalladooda.

“Carruurta qaarkood madaxa ayaa waynaada, way bararaan, jirkooduna diirka ayaa ka dhaca. Marka aan miisaanno waxaan aragnaa labo jir uu miisaankiisu yahay 4 kg  ilaa 6 kg, mana lihin awood aanu ku daweyno marka ay nafaqo-darrada heerkaas gaarto,” ayuu yiri Dr. Khaalid. Kuwa ay xaaladdooda liidato waxay xaruntu ku talisaa in loo gudbiyo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Laakiin dadka oo intooda badan aan awoodin gaari-raaca ayaa carruurtooda dib ugu celiya xeryaha.

Aamino Ibraahim Hogos waxay kamid tahay qoysas caruurtooda dib ugu celiyay xerada barakaca ee Balli-mataan, kadib markii ay adeeg caafimaad u wayday saddex kamid ah caruurteeda oo nafaqo-darro la ildaran. Waxaa ugu liita wiilka ugu yar oo labo sano jir ah, kaas oo dhakhaatiirta ay ku taliyeen in loo qaado magaalada Hargaysa si uu daryeel caafimaad u helo.

Waxey sheegtay in miisaankiisu hoos u dhacay isla markaana barar uu qariyay jirkiisa, iyadoo tilmaamtay inaanu cunin wax nafaqo leh oo awoodiisa soo celiya, ayna ka wel-welsanahay xaaladiisa caafimaad.

Aamino ayaa sugaysa nasiibkeeda in wiilkeeda uu u noolaado, maxaa yeelay hooyadan oo bilawgii sanadkan degtay xerada ma haysto lacag ay ku raacdo gaari geeya xarun caafimaad oo wayn.

Inta badan caruurta Aamino oo sideed ah ma helaan wax ay cunaan, waxayna noloshoodu ku tiirsantahay hadba waxa ay ka helaan dadka deegaanka. Saygeeda oo waayeel ayaa xanuunsanaya mana awoodo raadinta biilka reerka. Labadii bilood ee ugu danbaysay qoysaska xerada ku nool ma helin wax gar-gaar ah. Waxaana markii hore deeq u qaybin jirtay hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga oo la yiraahdo Al-kheyr.

Waxaa dhanka kale jira caruur loo qaaday isbitaalka Hargaysa halkaas oo ay jiifaan 11 caruur ah oo 7 kamid ah laga keenay deegaanka Balli-mataan halka afarta kalena laga keenay deegaanno ka baxsan Hargaysa.

Maamulaha xarunta caafimaad ee deegaanka Balli-mataan Dr Khaalid ayaa walaac ka qaba heerka nafaqo-darrada caruurta haysa in ay noqon karto nafaqo darada daran, maadaama aaney xaruntooda caafimaad laheyn meelaha dadka la seexiyo iyo dawooyin ku filan xaaladaha caafimaad ee deegaanka ka jira.

Ilyaas Cabdi Cali

Hargaysa

Previous Post

Dhakhaatiir adeegyo caafimaad oo bilaash ah u sameeyay dadka saddex tuulo oo ka tirsan Maxaas

Next Post

Beeralayda Dalyare ee gobolka Sool oo xoolo dhaqato soo cayrtoobay ku caawiyey dhul beereed

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Beeralayda Dalyare ee gobolka Sool oo xoolo dhaqato soo cayrtoobay ku caawiyey dhul beereed

Beeralayda Dalyare ee gobolka Sool oo xoolo dhaqato soo cayrtoobay ku caawiyey dhul beereed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo