Labo dhakhtar oo ka hawl gasha isbitaalka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa todobaadkaan hawlo mutadawacnimo ah oo dhinaca daaweynta iyo baarista ah ayay u samaynayeen dadka ku nool tuulooyin saddex ah iyo miyigooda oo ka tirsan degaankaas.
Waxay sheegeen in dhibaatada ugu daran ee ay arkeen ay tahay nafaqa daradda iyo cudurada neef mareenka. Dr. Maxamed Xuseen Cabdulle oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurada haweenka iyo qalliinka oo ka mid ahaa labadaan takhtar ayaana Maxamed Xasan uga waramay waxyaabahay soo arkeen.











