Beeraleyda ku dhaqan Tuulooyinka hoosyimaada Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Bay ayaa sheegaya iney ka qalaleen Dalagii ay Beerteen Xiligi Roobaadkii Daytii Hada,kaas oo Buur-hakaba iyo Dhulka Miyiga ee Beeraleyda degan yihiin ku yaraa.
Galboy,SamakayCade,Genber,Kormari,Roobla sheikh,Gadiidle,WarGadey,Ugaarey,Samakay,Lug haabare,Shinbire,Ugaarey, Ceel Bashiir iyo Tuulooyin kale waa kuwa uga daran oo roob yaraanta saameysey oo beerihii ku yaaley ay qalaleen sida ay Sheegayaan Beeraleyda.
1700- oo Beerood ayaa Gudiga Beeraleyda Gobalka Bay ay xaqiijiyeen iney Qalaleen 20-kii Maalmood ee lasoo dhaafey sida uu Ergo u sheegay Gudoomiyaha Gudiga Beeraleyda Gobalka Bay Cabdi-nuur Ibraahin Maxamed.
Halkaan hoose ka dhegeyso sheekada