Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Puntland: Caqabado ganacsatada ka haysta dhoofinta kalluunka

Radio Ergo by Radio Ergo
November 21, 2017
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: Caqabado ganacsatada ka haysta dhoofinta kalluunka

Sawir/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Kalluumeysatada deegaannada Puntland ayaa ka cabanaya caqabado haysta wax-soo-saarkooda inay dibadda u iib-geeyaan. Waxaa ka mid ah in aysan haysan warqadaha fasaxa dhoofinta iyo caafimaadka, taas oo muhiim u ah helista suuq joogto ah oo xor ah, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo xirfadda kalluumeysatada gudaha oo hooseysa sida uu noo sheegay Jaamac Maxamuud Cali oo ah madaxa shirkadda kalluumeysiga ee CAFCO (Corno Africa Fishing Company).

“Ganacsigaagu ma horumarayo haddii aadan ruqsad u helin oo aan lagu kalsooneyn,” ayuu yiri Jaamac. Shirkadaha caalamiga ah ee kalluumeysiga iyo ceymiska si ay xiriir ula sameystaan shirkadaha yaryar ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin ruqsad ay bixisay dowlad si lagu kalsoonaan karo u hubisa caafimaadka iyo tayada kalluunka, taas oo aan hadda suuragal ka ahayn Soomaaliya sida uu aaminsan yahay Jaamac.

Marka laga soo tago suuqyada gudaha oo aan sidaas u dhaqaalo badneyn. Fursadda keliya ee dhiirrigelinta ah ee ay haystaan waa ganacsato Shiineys ah oo Boosaaso ugu yimaada, kana qaata kalluunka qallalan. Sanadkan waxay ka iibsadeen toddobo tan oo kalluunkaas ah oo kiiladii ay ka siiyeen $90.

Xitaa haddii ay kaas sii horumarin lahaayeen wuxuu sheegay inay ka haystaan caqabado dhinacyada qalabka, xirfadda iyo shaqaalaha ah. Kalluunka qallalan oo noocyo kala duwan isugu jira waxaa la helaa lix bilood sanadkiiba, sidaas oo ay tahay ma haystaan shaqaale quusa oo si wanaagsan ula soo bixi kara.

“Dhallinyaradeenna dhibaato ayaa ku dhacday waxay cunaan qaadka, taas ayaa sababtay in ay cunto cuni waayaan, qofka quusayana waxaa la rabaa inuu yahay qof uu caafimaadkiisa boqolkiiba boqol yahay, haanta qaadi kara, awoodna u leh in uu hoos isku celiyo muddo dheer,” ayuu yiri.

Cabdiqafaar Warsame oo ah madaxa shirkadda badbaadinta badaha gobolka ee loo soo gaabiyo RMCO (Regional Marine conservation) ayaa sidaas oo kale aaminsan. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inay muhiim tahay sare u qaadidda aqoonta iyo xirfadda kalluumeysatada. Wuxuu ku taliyay in la baro farsamooyinka ugu wanaagsan ee ay badda wax ugala soo bixi karaan, sida kalluunka loo gaarsiiyo suuqyada, xilliga, nooca iyo sida loo keydiyaba.

Habka keliya ee kalluunka Soomaaliya uu hadda dibadda ku gaaro waa sii marista ganacsato shakhsiyaad ah oo kala wareega shirkadahan, kaddibna ka sii ganacsada, inkastoo dalka Yemen oo ahaa suuqa ugu weyn ee ay ku tiirsanaayeen ay fursadihiisa hoos u dhigeen colaadaha.

Jaamac ayaa sheegay in ay u faa’iido badnaan lahayd helista shirkado waaweyn oo ay xiriir ganacsi la yeeshaan, kuwaas oo kala wareega kalluunka ay soo saaraan. Haddii Bariga Fog iyo Afrika ay ka helaan ganacsatado ay wax la wadaagi karaan wuxuu aaminsan yahay inuu halkaas ka billaaban lahaa ganacsi sax ah oo la isku halleyn karo. “Si aan u kala faa’iidno; annaga waxaan haynaa wax-soo-saarkii iyagana sharcigii, suuqii, aqoontii iyo maalgashigii oo ah caqabaddii weynayd,” ayuu  yiri.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayuu xusay inuu yahay caqabad kale oo weyn oo haysata ganacsatada yaryar ee Soomaaliyeed iyo wax-soo-saarkooda. Suuqyada Yemen iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay tagi karaan waxaa uga horreeya kalluunka dalka oo horay si sharci-darro ah loola sii baxay. “Khasaaro joogto ah ayay noo geystaan, lamana tartami karno, sababtoo ah waxay haystaan qalab keenna ka casrisan,” ayuu yiri.

Wasiirka kalluumeysiga ee Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay si xal loogu helo dhibaatadaas inay iyaga iyo ganacsatada ka wada shaqeynayaan in la sameeyo warshado yaryar oo kalluumeysi oo ay ganacsatadu yeeshaan, si loo warshadeeyo kalluunka beddelkii ceyriinka lagu dhoofin lahaa.

Wuxuu xaqiijiyay inay la kulmeen shirkadaha waaweyn ee dalka iyo xawaaladaha ayna u ballan-qaadeen inay maalgashan doonaan kheyraadka badda.

Previous Post

Qoysas barakac ahaa oo ku guryo beelay roob ka da’ay Doolow

Next Post

Xoolo yaraan ka jirta seyladaha magaalada Gaalkacyo

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post
XAFIISKII DHOOFKA XOOLAHA SOOMAALIYA OO DIB LOO FURAY 22 SANO KA DIB

Xoolo yaraan ka jirta seyladaha magaalada Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo