Bilowgii bishii October ee la soo dhaafay ayuu roobka dayrta ka curtay deegaannada miyiga gobolka Mudug. Xoolo-dhaqatada ayaa daaq fiican u helay xoolahoodi ay nugleysay abaar labo sano ka badan ka jirtay gobolka.
Marki uu roobku da’ay waxaa istaagay xoolihi ay suuqyada Gaalkacyo keensan jireen reer miyiga. Dullaaliinta seyladaga Gaalkacyo ayaa arrintaas ku sababeeyay xoolo-dhaqatadi oo aan rabin in xoolahooda ay iska iibiyaan xilliga oo roob fiican iyo daaqba ay heleen maddaama xoolaha inti badnayd ay abaarta laysay.
Weriyaha Ergo ee magaalada Gaalkaco Jibriil Cismaan Cilmi ayaa warbixintan igooga soo diyaariyay.









