Xoolo-dhaqatada ku nool tuulada Galxamur oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa daaq fiican u helay xoolahooda, in kastoo dadka tuuladu aysan abaarta uga harin xoolo badan. Tuulada iyo miyiga u dhowba waxay abaarta ka jirtay saddex sano, laakiin bishii la soo dhaafay ayay heleen roobab ay ku diirsadeen.
Cali Macallin Cabdi oo 35 jir ah wuxuu ka mid yahay qoysaska xoolo-dhaqatada ee halkaas ku noolaa muddo badan. Abaarta ka hor qoyskiisa oo 6 qof ah waxa ay noloshooda ku tiirsanayd saddex tiro iyo bar ari ah oo uu dhaqan jiray, laakiin abaarta waxaa uga badbaaday 40 neef, oo hadda u helay naq fiican markii tuuladu roobsatay.
Wuxuu nagala soo xiriiray lambarka farriinta gaaban ee 2012 oo si bilaash ah na looga soo wici karo, dib ayaan u wacnay, Weris Maxamed ayaana ka wareysatay nolosha dadka halkaas ku nool iyo roobka.









