Adduunkaan ummadaha ku nool eeddu kala gaadhay Adduunkaan afduubkiyo fitnada ololeynaaya Adduunkaan awood-sheegadkiyo aarsashadu taallo Adduunkaan xaqiiqada inkiray beentana u oomman
Aaladaha wax duuboo xogtiyo wararka iib geeya
Aafaadka jira meediyaa lagu abuuraaye
Ergo inta laga ogyahay eed ma ay geline
Asal iyo xog aasaasiya iyo danaha insaanka
Ilo sugan akhbaar laga heliyo warar la uur-baaray
Iyo eex la`aan bey dunida ugu adeegtaaye
Aagagga dagaallada ad-adag lagu ihaaneeyo
Maatada asqowdiyo ilmaha keynta lala aado
Qaxootiga ambaday oo arradan uumatana heysan
Ergo kama ilduuftee dhab bey ugu adeegtaaye
Abaar iyo colaad iyo halkii dhibi ka oognaato
Ergo eex la`aan iyo run bey ugu adeegtaaye
Idaacaadka adduunyada jiroo meel kastaba ow leh
Midda ugu adeeg wacan haddaan kala ogaaneyno
Kolley anigu Ergaan oran lahaa aragtideydiiye
Waxaa tiriyay: Abwaan Axmed Dheere oo Cadaado ku sugan









