Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhoofka xoolaha ee xajka oo fursad u noqday xoolo-dhaqatada koonfur-galbeed

Radio Ergo by Radio Ergo
August 26, 2017
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhoofka xoolaha ee xajka oo fursad u noqday xoolo-dhaqatada koonfur-galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhoofka xoolaha ee la dardargeliyay xilligan oo loo diyaar-garoobayo gudashada waajibka xajka ayaa rajo u abuuray dadka gobolka Bay ee sanadihii u dambeeyay ay xoolahooda saameysay abaarta. Ganacsigan waqtiga kooban jiraya ayaa horseeday sare-u-kac ku yimid qiimaha xoolaha, waxayna dad badan oo ay abaartu wiiqday ka caawisay helista dhaqaale fiican oo ay noloshooda ku maareeyaan.

Maxamuud Xuseen Cali, labo neef oo ari ah oo toddobaadkii hore uu seyladda geeyay waxaa laga siiyay SoSh3M ($130). Lacagtaas wuxuu ku iibsaday 50kg oo bariis ah, 50kg oo sokor ah iyo 20kg oo caleenta shaaha ah, taas oo uu Raadiyo Ergo u sheegay inay qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof nolol ugu filnaan karto bil iyo bar. Lacag yar oo u soo hartay waxay u goysay maacuun iyo dhar ay xaaskiisa iyo saddex ka tirsan carruurtiisa ku labbistaan maalmaha ciidda.

Afar bil ka hor neefka ariga ah wuxuu seyladda Baydhabo ka joogay lacag u dhaxeysa Sh500,000 ($22) ilaa Sh750,000 ($32.6). Lacagtaas waxay u goyn kartay qoyska Maxamuud raashin aan hayn karin wax ka badan labo toddobaad.

Xoolaha laga qaado seyladda Baydhabo waxaa laga sii dhoofiyaa magaalooyinka dekedda leh ee Boosaaso ama Berbera. Ganacsatadu waxay rajeynayaan in tobanka maalmood ee ugu horreeya bishan Carrafo ay dhoofiyaan 7,000 oo lo’o ah iyo 120,000 oo ari ah oo laga kala keenayo labada gobol ee Bay iyo Bakool.

Xoolahan oo lagu daabbulo gawaari xamuul ah ayay qeyb dhexda uga sii dhintaan mararka qaar sida uu noo sheegay Xuseen Cabdullaahi Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada xoolaha, taas oo uu u sababeeyay ciriiriga gaadiidka iyo waddada dhee. Saddex maalmood ayay ku sii jiraan waddada oo raf ah, dhirirkeedana uu ka badan yahay 1,500 oo km. Waxay sii maraan deegaannada maamul-goboleedyada Koonfur-galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Puntland ilaa Somaliland iyo deegaanno ay ka taliso Al-Shabaab. Dhammaantood waxaa looga qaadaa halkii neef canshuur u dhaxeysa nus doollar ilaa hal doollar

Sanad kasta xilliga xajka waxay Soomaaliya xoolo badan u dhoofisaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ganacsatada xoolaha, dallaaliinta iyo xoolo-dhaqatada ayay fursaddan isbeddel wanaagsan oo nololeed u tahay.

Weriyaha Ergo ee gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in dhaqdhaqaaqa ganacsi ee lagu iibsanayo xoolaha uu yahay mid isku si looga dareemayo tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolladaas.

Previous Post

Qiimaha oo sare u kacay xilliga xajka oo caawisay nolosha xoolo dhaqatada

Next Post

Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo