Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

Radio Ergo by Radio Ergo
August 26, 2017
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Keydka sawirrada/Ergo

Kunka Shilin Soomaaliga ah ayaa bishii laga soo gudbay laga diiday inta badan gobollada dalka. Lacagtan waxay ahayd tan keliya ee ka hartay shilinka Soomaaliga oo marba mid sidii loo diidayay ugu dambayn meesha ka baxday. Waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay tan oo kale dhacdo iyadoo si isku mid ah u saamaysay dadka ku xiran suuqyada gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Bari, Sool, Togdheer iyo qyabo kale oo Somaliland ah.

Cabdinuur Cali Maxamed oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhibaatadan ay sababeen ganacsatada qaar oo lacagaha iska soo daabacda markii ay doonaan. “Lacagtii waxay ula mid noqotay badeecadaha ay ka ganacsadaan oo hadba ay la soo degaan intii u baahdaan,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in maamullada ka jira deegaannada qaar ay ganacsatada u fududeeyaan inay lacagta la soo daabaco ka hirgasho meelaha ay ka taliyaan.

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee Soomaaliya Samba Thiam ayaa bishii February ee sanadkan sheegay in lacagta hadda laga isticmaalo Soomaaliya sagaashan iyo sideed boqolkiiba ay been abuur tahay. Lacag si sharci ah ay dowlad u daabacdo waxaa Soomaaliya ugu dambaysay 1990-kii.

Daabicidda lacag cusub ayaa keeni karta xasillooni darro amni iyo mid dhaqaale oo ku baaha gobollada dalka xitaa kuwa ay maamulladu ka jiraan sida uu aaminsan yahay Yaxye Caamir oo la taliye hore u ahaa Bankiga Adduunka.

Wuxuu isagoo Muqdisho jooga teleefoonka noogu sheegay in Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ay ahayd inuu si madax-bannaan u maamulo lacagta, isla markaana jaan gooyo sarrifka lacagta qalaad uu gacanta ugu jiro siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ay shaqadiisa ka mid tahay ilaalinta qiimaha lacagta iyo nidaaminta koboca dhaqaale ee waddanka ayaan si fiican u shaqaynayn. Wuxuu ku kooban yahay  hada bixinta mushaharaadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Lacagta ugu badan ee hadda laga isticmaalo Soomaaliya ayaa ah Doolarka Ameerikaanka oo u muuqda mid heshiis lagu wada yahay. Lacagtan qalaad waxaa muhiimadda intaas la’eg siiyay inay tahay mid meel kasta laga heli karo xilli kasta iyadoo cadaan ah ama shirkadaha isgaarsiintu ay dadka taleefanada ugu shubaan. Waa lacagta ugu badan ee qurbajoogta ay bil kasta u soo xawilaan ehelladooda gudaha. Deegaannada qaar ee ku yaalla xuduudaha ayaa sidoo kale laga isticmaalaa Shilinka Kenya iyo Birta Itoobiya.

Axmed Warsame oo ku nool magaalada Caabud-Waaq oo ku taalla xadka Itoobiya iyo gobolka Galguduud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in magaaladiisa aanu Shilinka Soomaaligu ka shaqayn ilaa bishii la soo dhaafay, xilligaas oo gobollada dhexe laga diiday qaadasha lacagtaas. Ganacsatada ayaa oggol oo keliya Doolarka iyo birta Itoobiya.

Diidmada Shilinka ayaa Axmed ku khasbay inuu beddesho shaqadiisii hore ee dhismaha guryaha. Hadda wuxuu adeege ka yahay maqaayad mushaharka ku siisa Doolar loogu shubo teleefankiisa gacanta.

Magaalooyinka qaar ayay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo qiimo-dhaca Shilinka. Meelaha qaar maamullada ka taliya ayaa ganacsatada ku amray qaadashada shilinka, laakiin amarkaas wuu dhaqangeli waayay maaddaama aysan maamulladu jaangoyn karin sarrifka doollarka, ganacsataduna aysan oggolaaneyn shilin aan qiimo lahayn.

Previous Post

Dhoofka xoolaha ee xajka oo fursad u noqday xoolo-dhaqatada koonfur-galbeed

Next Post

Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
Next Post
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Biyo la'aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-JUN-2026

IDAACADDA 15-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo