Iyadoo lagu guda jiro xilligii xajka, ayaa dawladda boqortooyada Sucuudigu sheegtay inay ka soo dhoofsanayso Soomaaliya xoolo ka badan 2 milyan oo neef. Tanoo ay sababtay baahiyaha dhinaca xoolaha ee ka jirta boqortooyadaas.
Arrintaani waxay keentay in qiimaha xooluhu oo kor u kaco gudaha Soomaaliya, tanoo u noqotay fursad nololeed, oo ay xoolo dhaqatada Soomaaliyeed kaga soo kabanayaan saddex sano oo wadanka abaaro ka jireen, iyo suuq la’aan haysatay xoolaha. Meelaha qaar ayaa qiimahii xooluhu laban laabmeen qiimaha la kala siisanayo.
Ganacsatada xoolaha Baydhabo ayaa sheegaya in xilligaan xajka ay rajaynayaan inay dhoofiyaan 7 kun oo lo ah iyo 120 kun oo neef oo adhiya, ayna ka dhoofinayaan dekedaha Boosaaso iyo Berbera.
Sicirka xoolaha lagu iibiya ee sayladda Baydhabo ayaa qiimaheedu kor u kacay, tanoo faa’iido nololeed u noqotay xoolo dhaqatada abaarta saddex sano jirsatay ku habsatay. Wariyaheenna Baydhabo Muxiyadiin Xusni ayaana warbixintaan soo socota inoo haya.