Raxma Sheekh Cali haddii ay xanuunsato ama ay maalin shaqo soo waydo qoyskeeda oo ka kooban hooyadeed, aabbaheed labaad iyo afar carruur ah oo ka yaryar habeenkaas qatooyo ayay ku seexdaan oo wax ay cunaan ma helaan. Waa 12 jir ku shaqeysata kabo-caseyn. Waa gabadha keliya ee xirfaddaas uga dhex shaqeysata magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Kabaha waxay ku caseysaa labo kun ilaa saddex kun oo shilin Soomaali ah. Laakiin, macaamiisha oo jecleysta howlkarnimadeeda iyo sida ay daacadda ugu tahay shaqadeeda ayaa inta badan ku abaal-mariya lacag dheeraad ah. “Qof wuxuu I siiyaa afar kun, qof 10 kun, qofna 30 kun oo shilin,” ayay tiri Raxma oo Raadiyo Ergo u sheegtay inay fiidkii guriga dib ugu soo noqoto iyadoo soo heshay ugu badnaan 100 kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $4.5.
“Lacagta aan soo shaqeeyo hooyadey ayaan u geeyaa, iyadana raashin iyo caano ayay noogu iibisaa,” ayay tiri Raxma oo shaqadeeda ay ku tiirsan tahay nolosha qoyskeeda. Waxay duhur kasta ka soo shaqo tagtaa xerada lagu barakacay ee Kaam Shabeelle oo Garoowe u jirta 5 km, halkaas oo ay deggenaayeen tan iyo bishii Nofeember ee sanadkii 2014.
Qoyska Raxma waxay ka soo guureen xerada qaxootiga Cali-cadde ee dalka Jabuuti oo ay deggenaayeen lix sano, kaddib markii uu dhintay aabbaheed oo lacag uu ka helo dukaan uu shaqaale ka ahaa ku maareyn jiray noloshooda. Bartamihii sanadkii 2013 goor dambe oo habeen ah ayuu isagoo daallan yimid aqalkii ay ka deggenaayeen xerada. “Xilligaas kuleyl ayaa jiray, annagana bannaanka ayaan jiifnay,” ayay tiri Sahra Maxamed oo ah Raxma hooyadeed. Waxay noo sheegtay inuu aabbaha qoyska habeenkaas seexday qolka, iyagana bannaanka. Saqdii dhexe ayuu xerada dab ka kacay. “Waa la badbaadin waayay, halkaas ayuu ku gubtay ayay tiri.”
Markii ay xamili waayeen nolosha sarreysa ee dalka Jabuuti, waxay isla sanadkaas go’aansadeen inay Soomaaliya u soo guuraan. Hooyo Sahra oo umul ahayd ayaa intii ay guurista ku mashquulsanaayeen waxaa dhabarka uga dhacay dhagax weyn oo saarnaa jiingadda sare ee aqalkooda, sidaas daraadeed wuxuu dhaawac culus ka gaaray oo ay ka naafowday laf-dhabarta.
Soomaaliya ayay yimaadeen. Balse nolosha ayaa ku adkaatay. “Markii aan Garoowe nimid wax aan cunno iyo wax aan cabno waan waynay,” ayay tiri Raxma oo xilliyadaas billowday inay magaalada ka dawarsato si ay dadka uga soo hesho dhaqaale uu qoyskeedu dabka ku shito. Balse taas waxba kama beddelin dhibaatadii haysatay. “Maalintii iigu darneyd waxaan arkay hooyadey oo la’ caano ay siiso walaashey oo labo jir ahayd,” ayay tiri. Waxay go’aansatay inay magaalada shaqo ka raadsato.
Shaqada kabo-caseynta oo ay soo wadday sagaalkii bil ee la soo dhaafay waxaa hadda Raxma u wehelisa waxbarasho ay billowday saddex bil ka hor. Fasalka koowaad ee dugsi hoose oo ku dhex yaalla xerada Kaam Shabeelle ayay dhigataa gelinka hore. “Waa markii ugu horreysay nolosheyda oo aan iskuul tago,” ayay tiri.
Dugsiga ay dhigato Raxma oo ah hoose-dhexe waxaa lagu magacaabaa Shabeelle. Wuxuu waxbarasho bilaash ah siiyaa carruurta qoysaska soo barakacay. “Markii aan aragnay dadaalka ay qoyskeeda ku caawineyso ayaan hooyadeed kula talinnay inay gabadha siiso waqti ay wax ku barato,” ayuu yiri Iidle Faarax oo ka mid ah macallimiinta dugsiga. Maalin kasta saddex saacadood iyo bar ayay fasalka ku jirtaa si ka duwan ardayda kale oo shan saacadood wax ka badan waxbarta.
Macallinka wuxuu Ergo u sheegay in ay Raxma ka fahmad iyo dadaal badan tahay carruurta ay isku fasalka dhigtaan. Balse ay ku xeeran tahay duruuf nololeed oo adag.
(Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/AT/MR)