Dhallinyaro uu fadhigoodu yahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa dhowr magaalo oo Soomaaliya ah ka wada olole ay dhallinyarada uga wacyigelinayaan halista tahriibka. Waxay kulamo la qaataan dhallinyarada iyo waalidiinta oo ay ku boorriyaan inay joojiyaan tahriibka oo ay ka faa’ideystaan fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee dalka ay ka heli karaan.
Axmed Faarax oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha urur dhallinyarada ka wacyigeliya tahriibka oo lagu magacaabo ‘Hiil-Waddan’ ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka la socda ololahooda ay ku wargeliyaan haddii ay ogaadaan dhallinyaro tahriib qorsheynaysa oo ay kaddibna la kulmaan si ay uga baajiyaan safarkaas oo uu ku tilmaamay hiyi-kac been ah. “Bil kasta 32 dhallinyaro ah oo rag iyo dumar isugu jira ayaan la kulannaa oo aan ka baajinnaa safarkaas halista ah. Waxaa jira dhallinyaro markii aan u iftiiminnay dhibka ka horreeya nagaaday oo hadda shaqeysta, qaarkoodna waxbarta,” ayuu yiri Axmed oo xusay inay sidoo kale jiraan ololeyaal wacyigelin ah oo ay dhallinyarada u mariyaan warbaahinta gudaha iyo bogagga xiriirka bulshada.
Axmed oo 27 jir ah, weligiis Soomaaliya kama bixin. Qisooyinka ugu daran sida uu sheegay ee ku dhaliyay billaabidda ololaha waxaa ka mid ah gabar 25 jir ahayd oo asxaabtiisa ka mid ahayd, kana baxday Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso oo tahriibtay iyadoo shaqo fiican dalka ku haysata, kaddibna iyadoo doon ku tahriibeysa bishii Juun 2014-kii ku dhimatay badda Mediterranean-ka.
“Waxaa jira dhallinyaro aan qaraabo nahay iyo kuwo aan is naqaanno oo la xiray, tacaddiyo loo geystay iyo qaar la afduubtay oo madax-furasho laga bixiyay, kuwaas oo qaarkood markii ay Yurub tageen sharciyada loo diiday oo mustaqbal-xumo galay, ilaa haddana ay qaraabadooda u dirto lacag ay ku noolaadaan,” ayuu yiri Axmed.
Waalidiin badan ayaa tobannaan kun oo doollar ku bixiya inay carruurtooda tahriibiyaan, iyagoo rajeynaya inay heli doonaan nolol wanaagsan iyo waxbarasho. Hase yeeshee Axmed wuxuu aaminsan yahay in intii khatarta loo bareeri lahaa ay fiican tahay inay dhallinyarada dalkooda dhistaan. Wuxuu dhallinyarada kula taliyay inay waxbarashadooda sii wataan ama dhaqaalaha ay ku tahriibayaan ay shaqooyin ku abuurtaan.
Hiil-Waddan oo la aasaasay bishii Disembar sanadkii 2014kii wuxuu bishan xusayaa sanad-guuradiisa koowaad. Ururka oo ay xubno ka yihiin 14 qof oo dhallinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho wuxuu ka howlgalaa magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, Hargeysa, Boorame iyo Kismaayo.