Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

Radio Ergo by Radio Ergo
November 13, 2015
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
Qoryoley farms destroyed by rains

Photo | Sawirka/Keyd/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Roob xooggan oo toban maalin oo xiriir ah ka da’ayay degmada Qoryooley iyo Fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle oo isbiirsaday, ayaa sababay inuu baaba’o dalaggii ku beernaa dhul lagu qiyaasay 35 ilaa 40 hektar. Dalagga wuxuu isugu jiray galley, sisin, digir iyo dalagyo kale.

Xoghayaha maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ee maamulka Koonfur-galbeed, Ibraahim Malaaq Ibraahim ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ay saameystay fatahaadda. “Shakhsi ahaanteyda saddex hektar iyo bar ayaa iga baaba’day. Waxaa iigu beernaa sisin iyo galley,” ayuu yiri Ibraahim. Wuxuu beerta oo la abuuray labo bil kahor ku maalgeliyay lacag dhan $750 labo bil uun kahor. “Rajo weyn baan lahaa, laakiin wax ii  badbaaday ma leh. Waa in aan markale lacag geliyaa haddii biyahu ka dhamaadaan,” ayuu yiri Ibraahim.

Haweeney beeraley ah oo haysata 8 carruur ah oo lagu magacaabo Ruqiyo Xuseen Xasan ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijisay in beerteeda oo ka koobneyd afar hektar ay biyo buux dhaafiyeen, isla markaana ay ka baaba’een galley, sisin iyo khasab u beernaa. Waxay tiri “beerta waxaan ku maalgeliyay $500 oo aan soo deynsaday, haddana waxba kama haayo”. Ruqiyo waxay tilmaantay inay ka barakacday gurigeeda oo biyaha ay buux dhaafiyeen, isla markaana ay dulsaar ku tahay qoys kale oo isla degmada deggan.

Dhaqaalaha ay ka hesho beerta ayay ku maareyn jirtay nolosha qoyskeeda, balse hadda waxay ka shaqeysaa dhismaha guryaha carshaanta ah oo ay malaasto.

“Fatahaadda iyo biyaha roobka way isqabsadeen, kaddibna khasaaro ayay geysteen,” waxaa sidaas Raadiyo Ergo u sheegay Kuusow Xasan Cismaan oo ka mid ah beeraleyda ay saameynta soo gaartay. “Beertayda hadda biyo ayaa dhex fadhiya, galley iigu beerneydna way iga baaba’day,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in isaga iyo 9 carruur ah oo uu dhalay ay nolol-maalmeedka ka soo saaran jireen beer 5 hektar ah oo ay uga baxday lacag gaareysa $1500.

Kuusow wuxuu sheegay in guryihii ku yaallay nawaaxiga suuqa xoolaha, suuqa khudaarta ilaa kawaanka Qoryooley looga guuray fatahaada. Ibraahim Malaaq ayaa isagana sheegay in qoysas lagu qiyaasay 150 ilaa 200 ay ku barakaceen fatahaadda iyo roobka maalmaha badan ka da’ayay Qoryooley.

(Muxyadiin Xusni/AT/MR

Previous Post

Bari: Qoys 460 ari ah ay ka dishay duufaan

Next Post

Banderbeyla: Raadiye lagu maalgeliyay in kayar $30

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Next Post
Banderbeyla: Raadiye lagu maalgeliyay in kayar $30

Banderbeyla: Raadiye lagu maalgeliyay in kayar $30

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-SEP-2026

IDAACADDA 28-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-SEP-2026
September 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo