Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Banderbeyla: Raadiye lagu maalgeliyay in kayar $30

Radio Ergo by Radio Ergo
November 16, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
Banderbeyla: Raadiye lagu maalgeliyay in kayar $30

Photo | Maxamuud Cumar, aas-aasaha iyo maamulaha raadiye macmal ah oo laga dhageysto Banderbeyla/Cabdiraxmaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waa saddexda galabnimo oo daqiiqado dhiman. Badriya Dayib oo ah weriye aan la tababarin waxay isku-aaddineysaa warqado qoraalkooda qalin loo adeegsaday oo laga jaray buug duug ah. Iyada iyo Maxamed Cawke Saciid oo ah martida Barnaamijka Caafimaadka ee maanta waxay ku fadhiyaan dirin lagu dhex fidiyay qol yar oo cariiri ah. Maxamed wuxuu ka mid yahay howl-wadeennada caafimaad ee degmada Banderbeyla oo Boosaaso u jirta qiyaastii 368km.

Idaacadda oo dhan waa qol yar oo ku yaal meel taag ah oo magaalada ka baxsan. Qolkan waxaa is dhex daadsan fiilooyin iyo qalab jajaban oo la xiriirshay, oo ah qalabka ay idaacaddu ku shaqeyso. Waa qolka laga hago ee qalabka idaacadda oo dhan uu yaallo, waa isla istuudiyaha iyo qolka jiifka ee Maxamuud Cumar oo ah aas-aasaha Raadiyo Horyaal.

Maanta barnaamijka waxaa looga hadlayaa cudurrada faafa iyo sida looga hortegi karo. Cod-baahiyaha ayay gacanta midig ku soo qabsatay. “Galab wanaagsan dhageystayaal,” ayay ku billowday furitaanka barnaamijkan oo  Arbaco kasta laga maqlo horyaal FM oo ah idaacad macmal ah. Waa idaacadda keliya ee laga dhageysto Banderbeyla oo ah degmo yar oo qaddiimi ah oo ku taal cirifka bari ee gobolka Bari. Waa idaacadda lacagta ugu yar lagu maalgeliyay idaacadaha dalka, laakiin waa il-wareedka keliya ee dad lagu qiyaaso boqol kun oo qof oo ku nool degmadaas.

Idaacadda waxay ka sameysan tahay qalab la xiriira isgaarsiinta oo la isku soo ururiyay, sida raadiyeyaal jajabay, batariyo kuwa dabka loo isticmaalo ah, anteenno iyo war-lalis. “Qeyba meel baan ka keenay. Kaddib waan xiriiriyay, waana rakibay anigoo isku alxamaya. Waxaa iiga baxday lacag ka yar $30,” ayuu yiri Maxamuud oo ah 51 jir ah, ahna aas-aasaha iyo milkiilaha Raadiyo Horyaal.

Maxamuud ma ahan injineer shahaado sare ka heysta cilmiga teknoolijiyada ama dhismaha idaacadaha. Xitaa dugsi sare ma dhigan. Riyadiisii dhallinyaronnimo waxay ahayd inuu wax ka barto isgaarsiinta iyo dabka. Laakiin wuxuu qaatay tababarro kooban oo la xiriira farsamada korontada. Baahida warbaahineed ee ka jirta degmada oo ku taalla dhinaca xeebta fog ee Badweynta Hindiya ayaa ku dhalisay Maxamuud hindisaha Raadiyaha Horyaal oo ay ku qaadatay ku dhawaad labo sano in uu noqdo mid ay bulshadu dhageysan karto. “Idaacadaha kale ee gudaha nama soo gaaraan, kamana warqabi karno waxa ka dhacaya deegaannada nagu dhow ama halisaha nagu soo fool leh sida masiibooyinka dabiiciga ah. Baahiyahaas ayaa igu dhiirrogeliyay aas-aasidda idaacaddan,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlay Raadiyo Ergo.

Hadda, Maxamuud waa maamulaha iyo weriyaha idaacadda oo lix sano jirsan doonta bisha dambe. Idaacadda oo laga dhageysto mowjadda 97.7 MHZ waxay gaartaa magaalada oo dhan, iyadoo sagaal saacadood hawada ku jirta maalin walba. “Waxaan hawada soo galnaa saddex jeer oo kala duwan maalin walba: Subaxa hore, galabkii iyo fiidkii xilliyada dadka ugu badan ay idaacad dhageystaan,” ayay tiri Badriya Dayib oo iyada iyo saddex weriye oo kale oo midi ay dumar tahay ay ka howlgalaan Raadiyaha. Midkoodna ma qaadan tababarro warbaahineed. Waxay baahiyaan wararka, shirarka iyo dood cilmiyeedyada gudaha, barnaamijyo la xariira caafimaad, waxbarasho iyo ganacsi. Waxaa u sii dheer barnaamijyada ka baxa idaacadaha laga dhageysto mowjadda gaaban ee Raadiyo Ergo, BBC iyo VOA oo ay sii duubaan kaddibna ay dib u sii daayaan.

Raadiyo Horyaal oo sidoo kale iidhehyo u sameeya xarumaha ganacsi ee magaalada wuxuu bishii ka helaa 2M oo shillin Soomaali ah oo ay noloshooda ku maareeyaan afarta qof ee ka shaqeysa. Idaacaddu ma adeegsato koronto oo waxay ku tiirsan tahay qalab korontada ka dhaliya cadceedda oo uu Maxamed sanadkii 2012 ku iibsaday $75, lacagtaas oo kasoo xarootay iidhehyada. Laakiin maadaama uu Maxamuud yahay Aabbe ay u joogto afar carruur ah oo dhaqaalaha kasoo gala Raadiyaha uusan ku filneyn, wuxuu xilliyada habeenkii oo idaacaddu ay dansan tahay uu ilaaliye ka yahay dugsiga sare ee Banderbeyla.  “Xogta iyo macluumaad waa muhiim noloshada bulshada, si gaar ah xilligan oo dabeylo iyo daad laga digayo,” ayuu yiri Maxamuud. “Maadaama ganacsatadu aysan  xiiso weyn ku heyn maal-gelinta dhulka fog oo dhaqaale xoogan aan laga helin, hirgelinta raadiye noocan oo kale ah wuxuu qeyn ka qaadan karaa wargelinta bulshada iyo uga digista masiibooyinka xilliyada dhibku jiraan,” ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray.

Mohamed Shariff

Previous Post

Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

Next Post

Baardheere: Fatahaad shaqo la’aan dhigtay boqollaal haween ah

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Baardheere: Fatahaad shaqo la'aan dhigtay boqollaal haween ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo