Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Bari: Qoys 460 ari ah ay ka dishay duufaan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 13, 2015
in Masiibooyinka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Roob iyo daad saameeyay dad ku barakacay Baydyhabo sawir/keyd//Muxyadiin Xusni/Ergo

Qoys reer guuraa ah oo ku nool deegaan miyi ah oo ku yaalla gobolka Bari ayaa ku xoolo beelay roob dabeyl watay oo Axaddii da’ay. Waxa ay baxsad ka ahaayeen roobka oo ay ka cabsi qabeen in uu ku waxyeelleeyo Xadeed oo ah deegaankooda oo xeebta saaran. Laakiin Maxamed Ibraahim oo ah aabbaha reerka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in roobka oo watay dabeyl qabow oo xooggan oo xawaare leh uu helay intii aanay gaarin deegaanka Xeysimo oo ay u socdeen.

“Dabeyshu waxay nagu dhufatay tobanki habeennimo iyo bar, waxayna na haysay ilaa afarta habeennimo. Dabeyl qabow wadata bay ahayd oo saa’id ah oo dhirtii jejebisay,” ayuu yiri Maxamed oo 56 jir ah.

Roobka iyo duufaanta ka timid Badweynta Hindiya waxay ku dhufteen tuulooyin iyo dhul miyi ah oo ku teedsan xeebta gobolka Bari. Waxaa ku barakacay ku dhawaad saddex kun oo qoys, iyadoo xoolo qiyaas ahaan ku dhow afar kun oo neef ay ku dhinteen.

Qoyska Maxamed waxaa ka dhimatay 460 neef oo ari iyo ido isugu jira. “Khasaaro waxaa iga soo gaaray shan tiro oo ido iyo ari ah 40 baa iiga haray,” ayuu yiri Maxamed oo wareysi siiyay Raadiyo Ergo. Shan tiro waa 500 oo neef. Wuxuu xaqiijiyay in roobka aanu daad wadan, laakiin khasaaraha soo gaaray ay sababtay dabeysha. “Roobku biyo qaad ma ahayn, laakiin dabeyl qabow baa la socotay,” ayuu yiri.

Maxamed, 12 carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa wuxuu roobka ku da’ayay muddo ka badan shan saac. Waxay xirteen teendhooyin ay wateen. “Hal qoys baan ahayn, lix teendho baan wadannay, dabeyl baana naga jeex jeexday,” ayuu yiri Maxamed oo carruurtiisa iyo xoolihii u haray ay hadda joogaan deegaanka Xeysimo.

Roob xooggan oo dabeylo wata oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka da’ay degmada Caluula ee gobolka Bari iyo deegaannada hoos taga ayaa sababay inay dhintaan in ka badan 4000 oo xoolo ah.

Faaduma Taxaddar/AT/MR

Previous Post

Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Next Post

Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Qoryoley farms destroyed by rains

Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba'ay fatahaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo