Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Shabeellaha Hoose: Fatahaad baabi’isay 45 hiktar oo beero ah

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2015
in Masiibooyinka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Beero ay biyo baabi’een /Baardheere /Axmed Cumar Saalixi /Ergo

Roobka deyrta oo ka da’ay deegaanno hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sababay inuu fataho webiga Shabeelle. Waxaa fatahaadda ku baaba’ay dhul beereed cabbirkiisa lagu qiyaasay 45 hiktar.

Beeraha ay saameysay fatahaadda waxay ku yaallaan tuulooyinka Irdoole iyo Awgooye oo u dhow Afgooye, halkaas oo beeraleyda ay soo wajahday shaqo la’aan iyo barakac.

Ilyaas Cali Tifow oo ka mid ah beeraleyda tuulada Irdoole ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay fatahaadda ka baabi’isay beertiisa oo ahayd 3 hiktar. Waxaa ugu beerneyd khudaar. “Aniga sanadkaan waxaan abuuray ansalaato, koosto iyo bagal. Biyo ayaa dhex fadhiya. Wax laga cunaayo ma leh,” ayuu yiri Ilyaas.

Wuxuu sheegay in beertiisa uu ku bixiyay lacag gaareysa 9.8 milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta qiyaas ahaan $450. “Si xun ayay ii saameysay fatahaadda, waayo reerkeyga waxaan ka maareyn jiray beerta, maantana wax shaqo ah oo aan haayo ma lahan,” ayuu yiri Ilyaas Cali oo intaa ku daray in badarkii ugu keydsanaa dhulka hoostiisa oo sanadkii hore ay duugteen ay xitaa biyaha galeen.

Tuulada Irdoole  waxaa ku wareegsan webiga Shabeelle. Waxaa ka baxda ama soo gasha hal waddo oo keliya, taas oo uu Ilyaas sheegay inay biyuhu xannibeen isku socodka dadka. “Carruurta iyo haweenka ma dhex mari karaan biyaha oo aad u badan,” ayuu yiri.

Xasan Cumar Ibraahim, wuxuu ka mid yahay beeraleyda ku hanti-beeshay fatahaadda Irdoole. Wuxuu lahaa beer uu ku maalgeliyay 7 milyan oo shilin oo u dhiganta qiyaastii $320. “Waxaa noo beernaa galley, digir, yaanyo, bocor-hindi iyo khudaar kale, wixii oo dhanna biyihi ayaa ebar ka dhigay,” yuu yiri isagoo la hadlayay Raadiyo Ergo. Wuxuu intaa ku daray in noloshiisa iyo tan qoyskiisa uu hadda ku maareeyo ka shaqeynta beero kale oo la daris ah oo ka badbaaday fatahaadda iyo kuwo ku yaalla meelo ka baxsan deegaankooda.

Dhinaca kale, roobka iyo fatahaaddu waxay sababeen inay barakacaan ilaa 50 qoys oo beeraley u badan oo deggenaa tuulooyinka Araarmoog, Warta Sagaal Gacal, Dan-makaa-lihi, Xaartoy iyo kuwo kale.

Khadiijo Xuseen Xasan waxay iyada iyo shan carruur ah oo ay dhashay ka soo barakaceen tuulada Dan-makaa-lihi, kaddib markii ay biyaha roobka buux-dhaafiyeen gurigooda oo ahaa cariish ka kooban saddex qol. Waxay hadda deggan tahay hal qol oo ay ku kireysatay bishiiba 100 kun oo shilin Soomaali ah ($5) oo ku yaalla tuulada Awgooye.

Khadiijo waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay mararka qaar ka shaqeyso beeraha geed-miroodyada ay ka baxaan oo ay cowska ka gurto, “subixii ayaan u xoogsi tagaa beeraha si aan carruurteyda noloshooda u mareeyo. 20 kun oo shilin ayaan maalintii soo shaqeystaa,” ayay tiri.

Dadka ku nool tuulooyinka Mareerrey, Beled-Ammiin iyo kuwo kale oo uu maro webiga Shabeelle oo biyo badan keenay ayaa ka cabsi qaba inuu webigu ku fataho.

Maxamed Deeq/AT/MR

Previous Post

Caluula: Dad ku ceyrtoobay daadad iyo dabeylo

Next Post

Bari: Qoys 460 ari ah ay ka dishay duufaan

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Bari: Qoys 460 ari ah ay ka dishay duufaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo