
Roobka deyrta oo ka da’ay deegaanno hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sababay inuu fataho webiga Shabeelle. Waxaa fatahaadda ku baaba’ay dhul beereed cabbirkiisa lagu qiyaasay 45 hiktar.
Beeraha ay saameysay fatahaadda waxay ku yaallaan tuulooyinka Irdoole iyo Awgooye oo u dhow Afgooye, halkaas oo beeraleyda ay soo wajahday shaqo la’aan iyo barakac.
Ilyaas Cali Tifow oo ka mid ah beeraleyda tuulada Irdoole ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay fatahaadda ka baabi’isay beertiisa oo ahayd 3 hiktar. Waxaa ugu beerneyd khudaar. “Aniga sanadkaan waxaan abuuray ansalaato, koosto iyo bagal. Biyo ayaa dhex fadhiya. Wax laga cunaayo ma leh,” ayuu yiri Ilyaas.
Wuxuu sheegay in beertiisa uu ku bixiyay lacag gaareysa 9.8 milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta qiyaas ahaan $450. “Si xun ayay ii saameysay fatahaadda, waayo reerkeyga waxaan ka maareyn jiray beerta, maantana wax shaqo ah oo aan haayo ma lahan,” ayuu yiri Ilyaas Cali oo intaa ku daray in badarkii ugu keydsanaa dhulka hoostiisa oo sanadkii hore ay duugteen ay xitaa biyaha galeen.
Tuulada Irdoole waxaa ku wareegsan webiga Shabeelle. Waxaa ka baxda ama soo gasha hal waddo oo keliya, taas oo uu Ilyaas sheegay inay biyuhu xannibeen isku socodka dadka. “Carruurta iyo haweenka ma dhex mari karaan biyaha oo aad u badan,” ayuu yiri.
Xasan Cumar Ibraahim, wuxuu ka mid yahay beeraleyda ku hanti-beeshay fatahaadda Irdoole. Wuxuu lahaa beer uu ku maalgeliyay 7 milyan oo shilin oo u dhiganta qiyaastii $320. “Waxaa noo beernaa galley, digir, yaanyo, bocor-hindi iyo khudaar kale, wixii oo dhanna biyihi ayaa ebar ka dhigay,” yuu yiri isagoo la hadlayay Raadiyo Ergo. Wuxuu intaa ku daray in noloshiisa iyo tan qoyskiisa uu hadda ku maareeyo ka shaqeynta beero kale oo la daris ah oo ka badbaaday fatahaadda iyo kuwo ku yaalla meelo ka baxsan deegaankooda.
Dhinaca kale, roobka iyo fatahaaddu waxay sababeen inay barakacaan ilaa 50 qoys oo beeraley u badan oo deggenaa tuulooyinka Araarmoog, Warta Sagaal Gacal, Dan-makaa-lihi, Xaartoy iyo kuwo kale.
Khadiijo Xuseen Xasan waxay iyada iyo shan carruur ah oo ay dhashay ka soo barakaceen tuulada Dan-makaa-lihi, kaddib markii ay biyaha roobka buux-dhaafiyeen gurigooda oo ahaa cariish ka kooban saddex qol. Waxay hadda deggan tahay hal qol oo ay ku kireysatay bishiiba 100 kun oo shilin Soomaali ah ($5) oo ku yaalla tuulada Awgooye.
Khadiijo waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay mararka qaar ka shaqeyso beeraha geed-miroodyada ay ka baxaan oo ay cowska ka gurto, “subixii ayaan u xoogsi tagaa beeraha si aan carruurteyda noloshooda u mareeyo. 20 kun oo shilin ayaan maalintii soo shaqeystaa,” ayay tiri.
Dadka ku nool tuulooyinka Mareerrey, Beled-Ammiin iyo kuwo kale oo uu maro webiga Shabeelle oo biyo badan keenay ayaa ka cabsi qaba inuu webigu ku fataho.
Maxamed Deeq/AT/MR










