
Roobab xooggan oo dabeylo wata oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka da’ay degmada Caluula ee gobolka Bari iyo deegaannada hoos taga ayaa sababay inay ku barakacaan kun, soddon iyo toddobo qoys (6222 qof). Waxaa ku hanti beelay dad isugu jiray xoolo-dhaqato iyo beeraley, waddooyinna way ku burbureen.
Dadka waxay ku barakaceen gudaha deegaannada gobolka Barri, gaar ahaan dhulka sarreeya ee duleedka magaalada Caluula iyo tuulooyinka ku xeeran.
Xoolo-dhaqato
Caluula iyo deegaannada hoos taga waxaa ku dhimatay ku dhowaad 4000 oo neef oo ari ah, sida lagu ogaaday qiimeyn la sameeyay iyo wareysiyo uu qaaday Raadiyo Ergo. Saciid Yuusuf Diiriye oo ah Duqa deegaanka Bareeda oo hoggaaminayay guddi qiimeyn ku sameeyay khasaaraha daadka ka dhashay ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in saddex kun iyo afar boqol (3,400) oo neef ay ku dhinteen Bareedo iyo tuulooyinka hoos taga. Dadka ku ceyrtoobay daadka waxaa ka mid ah qoys deggenaa tuulada Murcanyo oo hoos tagta degmada Caluula oo lahaa 400 oo ari ah oo ay dhaqanayeen. Cabduqaadir Yuusuf Maxamed oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Maamulka Puntland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 370 ka mid ahaa xoolaha reerkaas ay roobka iyo daadka ku geeriyoodeen. Waxaa u haray sodon neef oo keli ah.
Maxamuud Cumar Ismaaciil oo in ka badan 60 sano xoolo dhaqato ahaa waxay isaga iyo qoyskiisa u soo barakaceen deegaannada Tooxin iyo Seymo oo hoos taga degmada Caluula, kaddib markii ay ku xoolo beeleen daadka iyo dabeylaha.“Waxaan gaar u lahaa 270 neef oo ari ah. Soddomeeyo oo keliya ayaa ii soo hartay,” ayuu yiri Maxamuud Cumar oo degganaa miyiga deegaanka Bareedo. “deegaankeenna 150 neef nin lahaa ayaa ugu xoolo yaraa, isagana 25 neef baa u hartay,” ayuu yiri. Nin xoolo-dhaqato ah oo lagu magacaabo Maxamuud Xiir Xasan oo lahaa 90 neef oo ari ah wuxuu Ergo u sheegay in ay u hartay 10 neef oo keliya.
Guddoomiyaha Gobolka Garfaduu, Cabduqaadir Yuusuf wuxuu sidoo kale noo xaqiijiyay in labo qoys oo lahaa 100 neef oo ari ah ay xoolahoodii oo dhan uga dhinteen daadadka iyo dabeylaha ku dhuftay degmada Caluula.
Beeraley
Isniino Maxamed Axmed oo ah hooyo haysata 7 carruur ah oo qaar ay agoomo yihiin oo beer iyo dukaamo ku lahayd deegaanka Seymo oo hoos taga degmada Caluula waxay sheegtay in ay ku ceyrtowday daadadka iyo dabeylaha. “400 oo geed-timireed ah baa ku taallay beerteyda 50 geed oo keliya ayaa ii hartay,” ayay tiri Isniino “muuskii, cambihii iyo qarihiina way iga baaba’een,” ayay raacisay. Waxay xustay in gurigeeda uu qeyb dumay dukaamadiina ay ka baaba’een oo wixii hanta yaallay uu daadku qaaday. Hadda waxey saaran yihiin buur dusheed.
Waddooyinka
Caluula iyo deegaannada ku xeeran oo ah dhul buuraley iyo dhul-xeebeed isugu jira waxay daadadku gooyeen waddooyinkii isku xiri jiray, sida waddada Lafo-goray. Waxay u baxdaa jihada galbeed ee Bareedo, waxayna dhinac martaa badda. Daadku wuxuu sidoo kale gooyay waddada Xogaad oo dhexmarta dhul-buuraley ah waxayna Bareedo ku xirtaa deegaannada waqooyiga uga beegan. Waddada kale ee go’day waxaa lagu magacaabaa Jaanka waxayna dhinaca waqooyi-beri uga beegan tahay Bareedo.
“Hadda sidaan ogahay hal jid oo ‘Dhabbaaqo’ la yiraahdo ayaa furan. Awal Caluula iyo Bareeda meeshii hal saac iyo bar lagu tagi jiray, hadda lix saac oo wareeg ah baa loo maraa,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Gardafuu ee Puntland, Cabduqaadir Yuusuf Maxamed.
Dhanka kale, badda oo dadka deggan xeebaha iyo kalluumeysatada ay doonyo ku mari jireen waxaa xiray duufaannada oo dhanka badda ka yimaada iyo bad-xiran. Ganacsiga deegaanadaas oo ku xirnaa Yemen gabi-ahaanba wuu istaagay. Sidaas darteed, dadka ku nool tuulooyinka hoos yimaada degmada Caluula ee daadadku ay go’doomiyeen waxaa ku adag inay raashin iyo adeegyada kale muhiimka u ah noloshooda ka helaan dibada. Waxaa xitaa ku adag inay ka qaxaan tuulooyinkaas iyada oo laga cabsi qabo in roobku iyo daadadku ay sii kordhaan.
Cabdiraxmaan Maxamed/AT/MR










