
Roob xooggan oo ka da’ay gobolka Gedo ayaa sababay in webiga Jubba uu ku fataho dhul beereed dhan soddon iyo shan kun oo hiktar oo ku yaal hareeraha webiga. Roobka oo si xiriir ah u socday muddo siddeed saac ah ayaa da’ay habeenkii Axadda. Fatahaadda webiga waxay si gaar ah u waxyeelleysay dhul beereedka ku yaal degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo uu wada maro webiga Jubba.
Weriyaha Raadiyo Ergo oo Baardheere jooga wuxuu sheegayaa in ay degmadu tahay meesha sida ugu daran ay fatahaaddu u saameysay. Fatahaadda webiga ayaa xaaqday dhul beereed labaatan kun oo hiktar ah oo ku yaalla afartan iyo siddeed tuulo oo webiga ku teedsan. Beerahaas waxaa ku abuurnaa khudaar ay ku jiraan yaanyo iyo basal iyo tacab kale sida galley, sisin iyo digir la filayay in dhawaan la goosto. “Dad ka badan toddobo kun oo qoys ayaa ku tiirsanaa dhul beereedka uu webigu ku fatahay,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali oo xubin ka ah Guddiga Beeraleyda Baardheere. Fatahaadda webiga waxay sidoo kale la tagtay afar boqol oo matoor oo saarnaa beeraha webiga ku teedsan, sida uu sheegay Cabdullaahi.
Dhanka Buurdhuubo, fatahaaddu waxay saameysay dhul beereed ka ballaaran labaatan hiktar oo ku dhow webiga Jubba. Dadka dalagyadooda ay fatahaaddu la tagtay oo lagu qiyaasayo saddex kun iyo shan boqol oo qoys waxaa ku jira Xasan Cabdi oo ah aabbe sagaal carruur ah leh. “Beerteyda oo dhan sagaal hiktar oo khudaar, galley, sisin iyo digir ay iigu abuurnaayeen biyo baa dhex ceegaaga. Wax iiga badbaaday ma leh,” ayuu Xasan u sheegay Raadiyoow Ergo. Beerta Xasan waxay ku taal tuulada Suryo oo ka mid ah dhul beereedka uu webigu sida aadka ah ugu fatahay oo degmada Buurdhuubo u jirta 12 km.
Si la mid ah beerta Xasan, Faadumo Maxamed beertaada oo dhan toddobo hiktar oo ay ku beernaayeen khudaar iyo dalag kale waxaa dhex ceegaaga fatahaadda webiga. “Waxaa ii badbaaday uun matoorka beerta aan ku waraabsan jiray. Dallagyadii oo dhan waxba kama goosan,” ayay tiri Faadumo. Si kastaba, fatahaadda webiga Jubba ee degmada Buurdhuubo ayaa qaatay boqol matoor oo saarnaa beeraha degmada.
Axmed Cumar saalixi/FO/MR










