
Duufaanno roobabkaas ka horreeyay ayaa sidoo kale sababay inay badda kacdo kadibna ay ku fatahdo guryihii ka ag-dhowaa taasoo keentay in ilaa 65 guri ay dumaan, sida uu Ergo u sheegay Abshir Yuusuf Muumin oo ka mid ah dadka deegaanka Bareeda.
“Waxaa ugu daran kalluumeysatadii oo ay ka burbureen qalabkii kalluumeysiga oo dhan, ilaa 45 saxiimadood ayay qaadday baddu, taasna waa khasaaro.” Ayuu yiri Abshir.
Khadra Yuusuf Xasan oo ayadana ka mid ah ganacsatada Bareeda, isla markaana gurigeeda oo badda dhinaceeda ku yaallay uu dumay ayaa Ergo u sheegtay in haatan ayada iyo qoyskeedaba ay u barakaceen xaafad ku taalla meel taag ah.
Abshir ayaa sheegay in roobabka ka da`ay Bareeda marka laga reebo waddada xiran aysan geysan khasaaro kale oo dhimasho iyo guryo dumay ah, balse khasaaraha ugu badan ay geysatay badda soo fatahday.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo wareysi siiyay raadiyow Ergo ayaa sheegay in dadka deegaanka ay qabiin digniin ku aaddan suurto-galnimada ah in dabeylaha Cyclone ay ku dhuftaan badda taasoo sababi karta fatahaad, “Waxaan dadka deegaanka uga dignay inay ka guuraan agagaarka badda, way aqbaleen oo way ka guureen, kalluumeysataduna way joojiyeen shaqadii badda, laakiin laashahkoodii ayay uga tageen xeebta, ma aysan fileyn in biyuhu ay soo gaari doonaan, laakiin fatahaad ay baddu sameysay ayaa burburiyay guryihii ka ag-dhowaa xeebta iyo laashahkiiba, weli wax dhimasho ah ma jiraan.” Ayuu yiri.
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa guddi u saartay soo qiimeeya khasaaraha ay geysteen roobabka iyo fatahaadda badda, guddigaasoo hadda ku guda jira howsha.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM










