
Roobab xooggan oo toddobaakdii saddexaad ku da`aya degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo biyo dhigay waddooyinka gala degmada ayaa sababay in uu is taago isu socodka gaadiidka ganacsiga iyo kuwa kale.
Ilaa labaatan gaari oo sida raashin, qalabka dhismaha, bagaash iyo khudaar ayaa 14 ka mid oo ka yimid Gaalkacyo waxay ku xanniban yihiin tuulooyinka Sarmaan oo 25 KM u jirta Buhoodel iyo Ban-yaal oo u jirta 37 oo labadaba dhanka koonfureed xiga.
Cabdi Ayaanle oo wade ka ah mid ka mid ah gawaarida fadhida Baan-yaal ayaa Ergo u sheegay in laba toddobaad ay ku xanniban yihiin Baan-yaal ayna sidaan khudaar ay ka keenneen magaalada Gaalkacyo. “ Guud ahaan waxaa hallaabay khudaartii aan sidnay oo baabuurta qaar biyo ayaa xannibay kuwana dhiiqo ayey galeen.” Ayuu yiri.
Suuqyada khudaarta lagu iibiyo ee gudaha magaalada Buuhoodle ayaa waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado khudaarta qaarkeed sida Basasha, Baradhada, qaraha iyo Yaanada.
Cabdullaahi Jaamac Axmed oo ka ganacsada khudaarta ayaa sheegay in kiilada basasha ah la iibin jiray 20 kun oo shilin Soomaali ah haddase ay marayso 30 kun oo shilin Soomali ah, baradhada ayaa la iibin jiray 15 haddana waa 15 kun oo shinla Soomaaliga ah halka qaraha la iibinayo 30 kun oo shilka Soomaaliga ah.“ Tani waxaa sababay laba toddobaad oo ay soo galin gawaarida khudaarta magaalada oo waxaa xannibay roobka.” Ayuu yiri Cabdullaahi.
Lix baabuur oo sida raashin,bagaash iyo qalabka dhismaha oo ka kala yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ayaa sidoo kale ku xanniban toddobo maalmood tuulada Ceegaag oo Buuhoodle u jirta 70 KM sida uu Maxamed Daahir Jaamc oo ka mid ah wadayaasha gawaarida xanniban ugu warramay weriyaha raadiyow Ergo ee Buuhoodle, Khadar Cawl Ismaaciil.
Yaasiin Yuusuf Aadan oo ka tirsan ganacsatada degmada Buuhoodle ayaa sheegay in isaga ay ka xanniban yihiin raashiin gaaraya 85 kiish oo isugu jira noocyada kala duwan ee raahsiinka iyo bagaash uu ku qiyaasay 50 kiish oo ka kala yimid dekadaha Boosaaso iyo Berbera. “Dadku waxay isticmaalaan keydka raashiinkii hore, isbeddel oo dhanka qiimaha raashiinka ah ma jiro haddii xaaladdu ay sidan sii ahaato waa laga yaabaa in isbeddel weyn uu yimaado, maaddaama bakhaarradu raahsiinka uu gabaabsi ku sii yahay.”
Ganacsiga magaalada Buuhoodel ayaa wuxu ku tiirsan yahay magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera oo uu uga yimaado raashinka, qalabka dhismma iyo bagaashka halka khudaartana looga keeno magaalada Gaalkacyo.
Khadar Cowl Ismacil/FO










