Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

DADKA DIINSOOR OO KA CABANAYA SICIR-BARAR

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
November 26, 2015
in Cunto-Yaraanta
0
HORUMARKA WAX SOO SAARKA BEERAHA PUNTLAND

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dadka ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ka cabanaya sicir-barar muddo shan bil ah ka jira degmadooda oo ka dhashay go’doomin ay ku sameysay Al-Shabaab oo xirtay waddooyinka gala degmadaas. Ganacsiga ka jira gobolka intiisa kale uma soo gudbi karo degmada oo habka keliya ee gargaar lagu soo gaarsiin karo ay tahay in la adeegsado diyaarad.

Beeraleyda Diinsoor sanado badan dalag uma soo go’in abaar ku raagtay darteed oo ay weheliyaan dagaallo iyo barakac. Roobka deyrta ee curtay si aad ugama di’in si la mid ah degmooyinka kale ee dalka. Dalaggii u keydsanaa beeraleyda waa gabaabsi. Raashinkii ganacsatada ugu keydsanaa bakhaaradda oo yaraadayna wuxuu sababay sicir-barar.

Cabdinuur Maxamed Cabdi qoyskiisa oo ka kooban 10 qof, wuxuu ka mid yahay qoysaska ugu daran ee uu saameeyay sicir-bararka. Waa 52 jir ka shaqeeya falista beeraha. “Shaqo joogto ah oo maalin kasta aan helo ma aha,” ayuu yiri Cabdinuur oo la hadlay Raadiyo Ergo. Wuxuu sheegay in 10-kii mitir oo dhul beereed ah uu ku falo 50 kun oo shilin Soomaali ah, balse aanay intaas ku filneyn nolol-maalmeedka qoyskiisa raashinka oo qaaliyoobay dartiis.

“Kiiladii sokorta ahayd oo la iibin jiray 12 kun oo shilin Soomaali ah waxay mareysaa 30 kun oo shilin ($1.5). Wax kasta way qaaliyoobeen. Iima suuragasho inaan maalin kasta soo helo qoyskeyga wixii ay cuni lahaayeen,” ayuu yiri.

Diinsoor waxaa deggan qoysas beeraley u badan. Hase yeeshee, colaadihii iyo abaartii soo maray waxay dhaxalsiiyeen dadkii ay noloshooda beeraha ku tiirsaneyd inay maciin-bidaan shaqooyin yaryar. Awliyo Aadan Nuur iyo toddobo carruur ah oo ay dhashay waxay nolol-maalmeedkooda ka heli jireen keydka dalagga ka soo go’a beertooda oo ay u kala qeybsan jireen wax ay cunaan, wax ay suuqa geystaan si ay u iibsadaan iyo wax ay keydsadaan. Markii ay roob la’aantu dheeraatay, keydkiina uu ka dhamaaday waxay billowday inay shaah ku iibiso suuqyada si ay nolosha carruurteeda ugu maareyso, balse lacag u dhaxeysa 20 kun ilaa 50 kun oo shilin oo ay soo shaqeyso maalintii kuma filna nolol-maalmeedkooda.

“Carruurta aad bay iiga dhibaateysan yihiin, nolol fiican ma haysanno, waxbarasho ma haysanno, waxaan u baahannahay in gargaar naloo fidiyo,” ayay tiri Awliyo oo la hadashay Ergo.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Diinsoor ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen wuxuu Ergo u sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda cunto yarida ah iyo sicir-bararka haysta dad uu ku qiyaasay 28,800 oo qoys oo ku nool degmada oo uu xusay inay go’doonsan tahay 150 cisho. “Diinsoor wax-soo-saar kama jiro, cid gargaar siisana ma laha, dhibaatada jirtana ummadda way wada saameysay,” ayuu yiri Xasan oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan shacabka inta aysan xaaladdu isku beddelin musiibo bani’aadamnio oo aan waxba laga qaban karin.

Mustaf Maxamed Cabdi wuxuu ka mid yahay ganacsatada Diinsoor. Bakhaarro waaweyn oo raashinka lagu iibiyo ayuu leeyahay. Wuxuu sheegay inuu ganacsigiisa ku tiirsanaa badeecooyinka ka yimaada gobollada kale ee dalka, balse go’doonka ay ku jiraan uu sababay inay gaadiidkii ganacsiga soo gaari waayaan degmada. “Sicir-barar xun ayaa jira, liitarkii saliidda ahaa oo la iibin jiray 15 kun oo shilin wuxuu marayaa 40 kun oo shilin Soomaali ah. Dadka danyarta ah ma awoodaan inay wax iibsadaan,” ayuu Ergo u sheegay Mustaf.

Gaadiidka badeecooyinka ganacsi keena Diinsoor waxay ka imaan jireen magaalooyin dhowr ah sida Muqdisho oo u jirta 367 km iyo Baydhabo oo u jirta 120 km.

Previous Post

Beeraley ku soo barakacday xeryaha Baardheere

Next Post

Beeraley ku soo barakacay xeryaha duleedka Muqdisho

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Beeraley ku soo barakacay xeryaha duleedka Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo