Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley ku soo barakacday xeryaha Baardheere

Radio Ergo by Radio Ergo
November 24, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Beeraley ku soo barakacday xeryaha Baardheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankPhoto | Weriyaha Raadiyo Ergo oo wareysanaya Makaay Nuurow oo ka mid ah dadka ku barakacay xerada Xabaal-Caddey /Saalixi/Ergo

24 November, 2015 GEDO

 

Beeraley ay tiradooda gaareyso 478 qoys ayaa ku biiray qoysaska ku jira xeryaha lagu barakacay ee duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kaddib markii ay beerahooda ku baaba’een fatahaadda webiga Jubba, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Xuseen oo ah Madaxa Horumarinta Mashaariicda iyo Arrimaha Bani’aadamnimada ee maamulka degmada Baardheere.

“Tan iyo fatahaaddii dhacday siddeeddii bishan ayay dadkan oo ah beeraley ku hanti beelay fatahaadaha ka soo barakaceen tuulooyinka u dhow Baardheere, waxayna soo galeen magaalada,” ayuu yiri Maxamed Xuseen oo xaqiijiyay in xerada lagu barakacay ee Xabaal-Caddey ee degmada Baardheere ay yimaadeen 400 oo qoys. Xerada waxaa horay u deggenaa 520 qoys. “78 qoys oo beeraley ah ayaa iyaguna ku barakacay xerada kale ee lagu magacaabo Buulo-Kurmaan,” ayuu mas’uulku ku sii daray. Wuxuu sheegay inay sidoo kale jiraan qoysas beeraley ahaa oo xeryaha kale ku soo barakacay, kuwaas oo aanay ka heyn tirakoob sax ah.

Qoysaska ayaa noloshooda ku maareyn jiray dalagyada ka soo go’a beeraha ku yaalla tuulooyinka uu maro webiga Jubba ee u dhow Baardheere, qaarna waxay ka xoogsan jireen beeraha. “Sababta ay xeryaha ugu biireen waa iyagoo ka rajo qaba inay gargaar bani’aadamnimo ka helaan hay’adaha samafalka,” ayuu yiri Maxamed Xuseen oo caddeeyay inay xiriir la sameeyeen hay’adaha qaar, balse aan weli la soo gaarsiin wax gargaar ah.

Maxamuud Cali wuxuu ka mid yahay beeraley ka soo barakacday tuulada Mataano oo 15 KM u jirta Baardheere. Isaga iyo qoyskiisa oo ay tiradooda gaareyso 11 qof waxay ku biireen qoysaska ku jira xerada Xabaal-Caddey. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inay fatahaadda uga baaba’day beer sagaal hektar ah oo uu lahaa. “Beeraleyda ay noloshooda ku tiirsaneyd dalagga beeraha ayaan ku jirnay, beerteydii, matoor aan lahaa iyo shidaal yar oo ii yaallay biyaha ayaa qaadday,” ayuu yiri Maxamuud oo xusay in ay xerada ku haysato hooy la’aan iyo cunto la’aan, iyo in aanay haysan maro kaneecooyin, xeradana ay ka jirto biyo la’aan.

Makaay Nuurow oo 80 jir ah waxay ka shaqeyn jirtay falista beeraha, intii aanay iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban toddobo qof u soo barakicin Baardheere. “Maalintii 100 kun oo shilin Soomaali ah ayaan ka heli jiray shaqada beero falista ah, waxaana ku maareyn jiray nolosha qoyskeyga,” ayay tiri Makaay oo sheegtay in markii ay fatahaaddu baabi’isay dalagyadii beeraha ay soo maciin-bideen xeryaha si ay gargaar uga helaan hay’adaha samafalka.

Cabdullaahi Cali Xuseen oo xubin ka ah guddiga beeraleyda Baardheere ayaa Ergo u sheegay in xilliga ugu dhow ee dalagga beeraha dib loo beeri karo ay tahay bisha Janaayo haddii beeraleyda laga caawiyo agabka qodaalka iyo dalagyadii ay beeran lahaayeen, dibna loo dayactiro kanaalladii ku burburay fatahaadda.

Madaxa Horumarinta Mashaariicda iyo Arrimaha Bini’aadannimada ee degmada Baardheere Maxamed Xuseen wuxuu sheegay in shan xero oo ku yaalla duleedka Baardheere ay ku nool yihiin 3,500 oo qoys. Ma helaan gargaar bani’aadamnimo, waxayna intooda badan noloshooda ku tiirsan tahay shaqooyin yaryar oo ay magaalada ka qabtaan.

(Axmed Cumar Saalixi/AT/MR)

Previous Post

Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

Next Post

DADKA DIINSOOR OO KA CABANAYA SICIR-BARAR

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
HORUMARKA WAX SOO SAARKA BEERAHA PUNTLAND

DADKA DIINSOOR OO KA CABANAYA SICIR-BARAR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo