Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

Radio Ergo by Radio Ergo
November 20, 2015
in Masiibooyinka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawirka/Keyd/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

Roob xooggan oo toban maalin oo xiriir ah ka da’ayay degmada Qoryooley iyo Fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle oo isbiirsaday, ayaa sababay inuu baaba’o dalaggii ku beernaa dhul lagu qiyaasay 35 ilaa 40 hektar. Dalagga wuxuu isugu jiray galley, sisin, digir iyo dalagyo kale.

Xoghayaha maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ee maamulka Koonfur-galbeed, Ibraahim Malaaq Ibraahim ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ay saameystay fatahaadda. “Shakhsi ahaanteyda saddex hektar iyo bar ayaa iga baaba’day. Waxaa iigu beernaa sisin iyo galley,” ayuu yiri Ibraahim. Wuxuu beerta oo la abuuray labo bil kahor ku maalgeliyay lacag dhan $750 labo bil uun kahor. “Rajo weyn baan lahaa, laakiin wax ii  badbaaday ma leh. Waa in aan markale lacag geliyaa haddii biyahu ka dhamaadaan,” ayuu yiri Ibraahim.

Haweeney beeraley ah oo haysata 8 carruur ah oo lagu magacaabo Ruqiyo Xuseen Xasan ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijisay in beerteeda oo ka koobneyd afar hektar ay biyo buux dhaafiyeen, isla markaana ay ka baaba’een galley, sisin iyo khasab u beernaa. Waxay tiri “beerta waxaan ku maalgeliyay $500 oo aan soo deynsaday, haddana waxba kama haayo”. Ruqiyo waxay tilmaantay inay ka barakacday gurigeeda oo biyaha ay buux dhaafiyeen, isla markaana ay dulsaar ku tahay qoys kale oo isla degmada deggan.

Dhaqaalaha ay ka hesho beerta ayay ku maareyn jirtay nolosha qoyskeeda, balse hadda waxay ka shaqeysaa dhismaha guryaha carshaanta ah oo ay malaasto.

“Fatahaadda iyo biyaha roobka way isqabsadeen, kaddibna khasaaro ayay geysteen,” waxaa sidaas Raadiyo Ergo u sheegay Kuusow Xasan Cismaan oo ka mid ah beeraleyda ay saameynta soo gaartay. “Beertayda hadda biyo ayaa dhex fadhiya, galley iigu beerneydna way iga baaba’day,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in isaga iyo 9 carruur ah oo uu dhalay ay nolol-maalmeedka ka soo saaran jireen beer 5 hektar ah oo ay uga baxday lacag gaareysa $1500.

Kuusow wuxuu sheegay in guryihii ku yaallay nawaaxiga suuqa xoolaha, suuqa khudaarta ilaa kawaanka Qoryooley looga guuray fatahaada. Ibraahim Malaaq ayaa isagana sheegay in qoysas lagu qiyaasay 150 ilaa 200 ay ku barakaceen fatahaadda iyo roobka maalmaha badan ka da’ayay Qoryooley.

(Muxyadiin Xusni/AT/MR

Previous Post

Shuban ka dillaacay Wanlaweyn

Next Post

Beeraley ku soo barakacday xeryaha Baardheere

Related Posts

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
blank
Cunto-Yaraanta

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah

May 10, 2024
Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

March 7, 2024
Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay
Beeraha Iyo Xoolaha

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

March 1, 2024
Next Post
Beeraley ku soo barakacday xeryaha Baardheere

Beeraley ku soo barakacday xeryaha Baardheere

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY 2025

IDAACADDA 19-MAY 2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY 2025
May 19, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 18-MAY-2025
May 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2025
May 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2025
May 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2025
May 15, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo