Ugu yaraan afar boqol oo qoys oo ka barakacay degmada Baardheere ayaa ku biiray dadka deegaanadooda kasoo barakacay ee horey ugu noolaa xeryo ku yaal degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Dadkan oo u badan haween iyo carruur ayaa uga qaxay degmada Baardheere kahor inta aysan la wareegin ciidamada dowladda iyo kuwo Midowga Afrika cabsi ay ka qabeen dagaal deegaanka ka dhaca.
Qoysaskan ma aysan helin dib u dajin, gargaarka iyo hoy midna, sida ay sheegtay Roodo Aadan Cali oo iyada iyo sideed carruur ah ay dhashay ay kasoo qaxeen Baardheere. “Waxaan hoy noo ah geed hoostii, mana helno cunno xataa caano ilmaha la siiyo ma jiraan,” ayey tiri Roodo. Toddobaad kahor Roodo waxey aheyd beeraley degan guri iyadu leedahay, maanta se hoy iyo cunto maalmeedka uma heli karto carruurteeda.
Hoy iyo cuntada la’aanta waxaa u wehliya qoysaska Ceelwaaq u barakacay cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka oo soo ridanaya carruurta. Cudurrada ayaa ka dhashay isbadelka dhanka cimilada iyo cabitaanka ee ay la kulmayaan carruurta qoysaska soo barakacay. Aadan Maxamed Cabdulaahi wuxuu Raadiyoow Ergo u sheegay in qoysaska Baardheere ka yimid horey u cabi jireen biyaha webiga oo ka macaan kuwo Ceelwaaq oo aad dhanaan u ah. Isbadelkaa dhanka biyaha ayuu u sababeeyay cudarrada ka jira xeryaha dadka barakacay ay ku nool yihiin oo aan laheyn xarumo caafimaad.
Shiine Maxamuud Nuur oo ka mid ah dadka deegaanadooda kasoo barakacay ee xeryaha horey ugu noolaa ayaa sheegay in afarta boqol ee qoyska ee Baardheere kasoo qaxay isugu jiraan beeraley, kuwo khudaar iibiyaha iyo kuwo biyaha dhaamin jiray. Shiine wuxuu sheegay in dadkaas aysan hadda shaqooyinkaas ka heli karin degmada Ceelwaaq, taas oo u nugleyneysa ku tiirsanaanta gargaarka.











