Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenka caanaha iibiya oo helay keyd casri ah

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 13, 2015
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
Haweenka caanaha iibiya oo helay keyd casri ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Hey’adda Aqoonyahanada Beeraha Soomaaliyeed ayaa keydiyayaal casri ah u qeybisay qaar ka mid ah dumarka caanaha ku iibiya wadooyinka magaalada Muqdisho. Keydiyayaashan casriga ah ayaa ka caawinaya 24 dumar ah, oo ay hey’addu u tababartay nidaam kordhinaya dakhliga haweenka kasoo gala caanaha, in aysan caanahu isbadelin labo maalin. Horey dumarku waxa ay dhib ugu qabeen keydinta caanaha oo saacado gudahood isku badela, sida ay sheegtay Shukri Maxamed Jimcaale oo ka ganacsata caanaha muddo shan iyo toban sano ka badan.

“Haddii caanahu nagu daahaan way isbadeli jireen. Markaa waxaa is dhimijiray qiimahooda iyo tayadooda oo nalaga ma iibsan jirin,” ayey tiri Shukri oo ka mid ah hablaha helay, kana faa’iiday qalabka caano keydiyaha ah iyo tababarka Hey’adda Aqoonyahanada Beeraha Soomaaliyeed.  Shukri waxa ay intaa ku dartay in hadda caanaha oo aan isbadelin ay maalmo u joogaan iyada oo aan qiimahoodu iyo tayadoodu isdhimin.
Xoolaha iyo waxa kasoo baxa waxa ay ka mid yihiin tiirarka waa weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya. Dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa hilibka iyo caanaha oo noloshoodu ku tiirsan tahay u iibgeeya magaalooyinka ku dhow. Laakiin badi dadka xoolo-dhaqatada ah iyo kuwo caanaha ka ganacsada aqoon uma lahan habka loo keydiyo, loona nadiifiyo wiilasha caanaha lagu keydiyo.

Dhakhtar Axmed Taakoow Xasan oo xubin ka ah Aqoonyahanada Beeraha Soomaaliyeed wuxuu sheegay qalabka haweenka loo qeybiyay ee keydka caanaha uusan aheyn wax dibada laga keenay, se laga helay gudaha dalka. “Qofka tababaraha ah ee aqoonta u leh habka loo isticmaalo, loona nadiifiyo qalabka uun baa dibada ka yimid,” ayuu yiri Dhakhtar Taakoow oo la hadlay Raadiyoow Ergo.

Tababarka iyo qalabka la socda waxa ay badaleen nolosha qoysaska dumarkii ka faa’iiday oo ay ka mid tahay Nadiifo Cali Rooble. Maadaama Caanahu mudo joogi karaan iyaga oo aan isrogin, weel ku haboona lagu keydiyay, dumarka hadda kama welwelaan in caanahu ka halaabaan, sida ay sheegtay Nadiifo. “”Halkii aan awal 200,000 oo shilin ka heli jiray, hadda 300,000 baan helaa. Marka, faa’iido weyn ayaa noogu jirta.”

Aadan Diyashe/MH

Previous Post

BUUHOODLE: HOOS U DHAC KU YIMID QIIMAHA XOOLAHA

Next Post

JUBOOYINKA: NAFAQO DARRI KA DHALATAY CUNTO-YARI

Related Posts

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
Next Post
Gaalkacyo: tirada carruurta nafaqo darradu hayso oo sii kordhaysa

JUBOOYINKA: NAFAQO DARRI KA DHALATAY CUNTO-YARI

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo