In ka badan 500 oo ruux oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay waxbarasho lacag la’aan ah oo lagu baro farsamada gacanta kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar kuna sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Aadan Macallin Cabdiraxmaan oo ka tirsan barayaasha xarunta youth Education Pack (YEP) oo ah goobta wax lagu baro dadkan ayaa Ergo u sheegay in tan iyo markii ay barnaamijkan bilaabeen sanadkii 2013 ay ka qalin jabiyeen dad gaaraya 560 ruux oo oo intooda badan maanta shaqaysta soona saarta nolal maalmeedkooda.
Wuxuu intaa ku daray in dadkan la baro xirfado ay ka mid yihiin harqaanka, korontoda, cillaan saarka, dib u hagaajinta qalalabka qalabka cilladooba, cunto karinta iyo gargaarka deg degga ah, wuxuu sheegay in haweenka ka faa’ideystey ay gaarayaan 250.
Sahro Cabdiraxmaan Ibraahim waa gabar ka mid ah gabdhaha wakhtigan wax ka barta xaruntan, waxay Ergo u sheegay in marka ay ka baxdo waxbarshadeeda ay galabtii haween cillaan u saarto islamarkaana ay shaqaysato maalinti lacaga dhan hal doolar ilaa laba doolar maamlmaha jimacaha iyo khamiistana ay aado shaqo cillaan saar ah.
Cabdinaasir Xasan waa 18 jir wuxuuna bartaa korontada, wuxuu Ergo u sheegay in marka uu ka soo baxo xarunta waxbarashada uu gurayaha u sameeyo korantada una xiro uuna ka qaato lacag dhan 3 doollar, taasoo uu sheegay in uu aad uga faraxsan yahay in uu barto farasamadan oo ka caawin doonta dhanka nolashiisa.
Saynab Bashiir Maxamed waa hooyo haysata dhawr carruur ah waxayna bilo ka hor ka qalin jabaisay (YEP) muddo hal sano ah oo ay baranaysey habka loo talo noocyada kala duwan ee dharka, hadda waxaa u furan dukaan lagu talo dharka gudaha magaalada Baydhabo waxayna sheegtay in maalintii ay ka hesho lacag ka badan 300 oo kun oo shilin Soomaali ah ayna ku darabto nolasha reerkeeda.
Saynab, ayaa intaa ku dartay in markii hore ay ku wareersaneyd noolasha carruurteeda maadaama aysan aqoon wax ay ku shaqaysato oo aan ka ahayn inay reer dhar u soo dhaqdo balse iminka ayey u isu aragto qof helay fursada qaali ah.
Waalintiinta iyo bulshada ku nool magaalada Baydhabo ayaa si wayn u soo dhawayey arrintan, ayagoo sheegay inay yareyn karto in dhallinyaradu ku ku kacaan falal aan wanaagsanayn, inta badan dadka ka faa’ideystay barnaamijkan mahan dad horay wax u bartay.
Aadan Macallin Cabdiraxmaan, ayaa Ergo u sheegay in marka ay dhamaystaan waxbarashada loogu deeqo qalab si ay u bikaabaan inay ku shaqaystaan xirafada la baray oo looga dhigayo shaqa abuur.
Xarunta lagu tababaro dadka ayaa waxaa gacanta ku haya hay’ad maxalli ah oo la yiraahdo Gargar Relief Development Organization.