Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

12 Jir caseeye ah oo ka qayb qaatay gurmadka loo samaynayo dadka ka soo cararaya yemen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 25, 2015
in Arrimaha Bulshada
0
12 Jir caseeye ah oo ka qayb qaatay gurmadka loo samaynayo dadka ka soo cararaya yemen

Photo | Sawirka Sharma'arke/Sawir/Cabdulqaadir/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Sharma’arke Cali Cabdulaahi waa wiil da’yar oo 12 sana jir, ka shaqaysta xirfadda baalashka kabaha, kuna sugan Muqdisho, waxaa ku tiirsan qoys ka kooban 5 ruux, hooyadiis waa guri joogto haysa carruurta isaga ka yaryar iyo aabihiisna oo xanuusanaya, lugahana curyaan ka ah oo guriga aan ka soo bixi karin, waxayna degan yihiin xero barakaca oo ku taal kaam u dhow Jaamacadda Shabeelle oo Muqdisho u jirta 12km, kuna taal wadada Afgooye.

Sharma’arke wuxuu ka soo baxaa xaafaddiisa xilli hore wuxuuna soo aaday degmada Xamarweyne halkaasi oo ah meel ay ku yaqaanaan  macaamiishiisa, wuxuu maalintii shaqeeyaa lacag dhan 3 ilaa 4$ una dhiganta 80  kun sh so, wuxuuna ka mid noqday dadka ka qayb qaatay inay taakuleeyaan dadka ka soo qaxaya Yemen ee yimid Muqdisho, weriyaha Ergo Cabdulqaadir Cabdulle ayaana kula kulmay goob lagu ururinayey deeqaha, maalintii isniinta ee taariikhdu ahayd 25 May2015, waxaana dhex maray sheekadaan.

S. Maxaad bixisay maxaadse ku ogaatay in dad la caawinayo?

J.Waxaan fadhiistaa jardiinka hoose ee guriga hooyooyinka ee xaafadda Xamarweyne, halkaas oo aan kabaha ku caseeyo. Waxaan kasoo baxay gurigeenii xilli hore  waxaan soo raacaa gaari, waxaan imaaday Xamarweyne si aan ugu shaqeeyo dadka macaamiisha ii ah, idacad ka shidnay gaarigaan soo raacay ayaan ka dhegeystay codadka dad haween  carruuro wata oo runtii aad ii damqay dhibaatana sheeganayey, anniga waxaan ku yaboohay lacag dhan $1, waxaan u dhiibay guddigaan oo markaas ku sugnaa guriga hooyooyinka, kana waday lacag ururinta.

S. Maxaad dareentay markaad bixisay?

J. Waxaan dareemay runtii farxad,waayo waxaan qalbigaygu i siiyey inaan caawiyey qof baahan, anniga qoyskayga ayaa ku jira nolol adag, waxaan dareemaa farxad marka aan maqlo qoyskaygii waa la caawiyey, waxaa tiro ka saddex goor nalaga saaray xeryo barakaca oo aan deganayn sida tii u dhowayd Airporka 2011, xeraddii agagaarka ciidamada asluubta bishii March 2015, markii horena waxaa nalaga soo raray  deegaanka Celasha Biyaha sanadkii 2010 , marka qoys hooyo ah oo carruur wadata oo xitaa aan haysan meel ay ku hoyato ayaa I damaqday.

J. Maxaad oran lahayd bulshadda Soomaalida?

S. Runtii inay kuwooda xoolaha haystaa bixiyaan oo taakuleeyaan dadka baahan ayaan oran lahaa, carruurta dan yarta ahna la taageero, annaga nabad inaan helno ayaa noo muhiim ah si aan u wax u baranno una dhisano mustaqbal fiican, waxaana jira carruur kale oo caseeya ah oo sameeyey sidaan oo kale iguna dayday, kuwaasoo iyana bixiyey hal hal dollar.

Waxaa  socda Soomaalida ka soo carararysa wadanka Yemen, iyadoo maalintii shalay soo gaareen Boosaaso dadkii ugu badnaa siduu Ergo u sheegay iyadoo doonyihii y imid Boosaaso maalintii Arbacada ahayd ay wadeen dad ka badan 3 kun oo qof siday sheegtay wasaaradda arrimaha guddaha ee Puntland, bulshadda Soomaaliyeed ayaa samaysay gudiyo isku dhaf ah kana kooban hay’addaha gargaarka, ganacsatadda, culimadda iyo maamuladda ka jira Muqdisho iyo Boosaaso iyagoona dadka shicibka ah u bandhigaya inay ka qayb qaataan gurmadka loo samaynayo dadkaas imanaya.

Dhamaad

Previous Post

WAX SOO SAARKA BEERAHA GALLEYDA IYO KHUDAARKA OO KORDHAY

Next Post

Ka qayb qaado tartankaan UNHCR haddaad tahay barakace ama qof qaxooti ah

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay gobolka Bakool

Ka qayb qaado tartankaan UNHCR haddaad tahay barakace ama qof qaxooti ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-FEB-2026

IDAACADDA 11-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo