50 qoys oo ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kuna yaal waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in duruufo adagi la soo derseen, ayna ugu daran tahay hoy’ga. Qoyasaskaan ayaa tan markii ay soo noqdeen oo laga joogo muddo 8 bilood ah, waxay dulsaar ku ahaayeen dadka ku jira xeryaha barakaca ee ku yaal magaalada, waxayna ahaayeen markoodii hore beeralay dhibaato ka soo gaartay abaartii 2011kii ka dhacday gobolka Bay.
Fardowsa Jeelle Ibraahin mudo 7 bilood ah ayey joogtaa magaalada Baydhabo, waxay ka soo noqotay xeradda IFO, weriyaha Ergo ee Baydhabo oo kula kulmay xerada barakaca ADC ee Baydhabo ayey u sheegtay in dhibaatada hadda haysata tahay hoy la’aan, iyadoo lagu jiro xilli roobaad, haddana ay gabaadsato guri ka samaysan kartoono oo aan iska celin karin dhibicda roobka.
Nuuney Ibraahin Xasan waa 32 jir heysata 8 carruur ah, mudo sagaal sano ah waxaa ay qoxooti ahaan ugu nooleyd xerada qoxootiga ee IFO, gacan qabasho deg deg ah ayey tilmaantey iney xiligan u baahanyihiin oo dhanka bacda roobka laga dugsado ah, la qabsashada deegaanka oo mudo ay ka maqnaayeena ay ku adkaatey. Nuuney ayaa sheegtay inay uga soo tagtay xerada Ifo dhibaatoyin nololeed oo amaanku kow ka yahay ayna door biday inay deegaankeedi ku noqoto, ayse ku adkaatay siday u bilaabi lahayd nolol.
Aamino maxamed yarrow waxay heysataa 5-carruur ah ayaa sheegtay “Dhib nooma yara, bacooyinka robka laga galo ma heysano, roobkiina waa nagu imaadey, 5 carruur ah ayaa igu xarirta, mararka qaar xaabo ayaan soo gurtaa kuna iibiyaa magaalada si aan nolol maalmeedkayga u helo, laakin hoy ayaa dhibaato nagu ah, waxaan codsaneynaa bacooyinka roobka”.
Ibraahin Cabdi Cali waxaa uu hor jeege ka yahay xeradda barkaaca ee ADC oo qoysaskaan ka soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya dul saarka ku yihiin ee ADC, Ergo ayuu u sheegey in dadkaan oo iskood isaga soo noqday aysan wax qorshe ah ku imaan, duruufo amaan iyo dhaqaale xumo ayaana ka hor istaagay inay ku noqdaan beerahoodii si ay nolol dib ugu bilaabaan. Wuxuuna ka codsaday maamulka gobolka inay xil iska saaraan sidii dadkaan gurmd iyo jihayn dhinaca nolosha ah loogu samayn lahaa, haddase ay ugu daran hoy la’aani.










