Dad beeralley ah oo tiradooda gaaraya 30-ruux oo rag iyo dumar isugu jira,kana mid ah beeralley barakac ku jooga magaalada Baydhabo muddo 6-sano ka badan, ayaa aqooyahanno wax ka dhiga jaamacadda beeraha ee Baydhabo waxay u qabteen tababar xirfaddooda beeraha kor loogu qaadayo sidoo kalena lagula talinayo inay dib ugu noqdaan deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen, sida uu Ergo u sheegay Cabduqaadir Nuur Abuu oo ah madaxa jaamacadda beeraha ee Baydhabo tababarkana beeralleyda usoo qabanqaabiyey.
“Tababarkan wuxuu ku saabsan yahay beeraha kala duwan iyo khudaarta sidii beeralleyda xirfaddooda kor loogu qaadi lahaa,waayo beeralleyda wax kale ayay ku mashquuleen marka waa in wax soo saarkii faa`iidadalahaa la xusuusiyaa dadkan halkan jooga”.
Cabdinuur Ibraahin Maxamed waa 50-sano jir,inta badan noloshiisa wuxuu ahaa beeralley,wuxuu muddo hadda laga joogo 4-sano kasoo barakacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool oo dhul-beered aad u weyn uu ugu yiilley,wuxuu ka mid yahay dadka tababarkan ka faa`iideystay, raadiyo Ergo ayuu uga warramay waxa uu ka faa`iiday tababarka.
“Waxaa halkan ka barannay wax kasta oo beeraha ku saabsan,macallimiinta jaamacadda beeraha way mahadsanyihiin si lacag la`aan ah ayay waqtigooda noogu hureen,marka waxan baraneynaa sidoo kale sidii aan isku filnaansho u gaari laheyn,beeralleyda haddii aan nahay cid wax noo qabaneyso malahan,barakac ayaa halkan ku joognaa beerihii mar hore ayaan ka imaanney, haddaan agabka beeraha helno waa laabaneynaa.”
Maryan Xasan cali waa beeralley, nolosha reerkeeda waxay ku tiirsanaan jirtay dalagga kasoo go`a dhul beereed ay ku lahaayeen deegaanka Goof-gaduud oo Baydhabo dhanka koonfur kaga beegan 20KM, hadda iyada reerkeeda waxay ku nool yihiin xero barakac,nolol aad u liidata, waxay Ergo u sheegtay inay diyaar u tahay iney ku laabato beerteeda.
“Nolosheenna aad ayay u fiicneyd laakiin abaaro iyo dagaallo ayaan kasoo barakacnay,hadda Baydhabo nolol aad u liidata ayaa nagu heysato,waa ku noqonayaa haddii caawinaad qalabka beeraha aan heleyno, 6-sano ayaa joogaa halkan oo beertii aan ka maqnaa.”
Faadumo Isxaaq Yuusuf ayaa iyadana Ergo u sheegtey in haddii ay dhacdo in beeralleyda ay dib ugu noqdaan beerahooda loo helo marka hore qalabka kala duwan ee beeraha lagu hagaajiyo,maaddaama dhowr sano beeraha qaarkooda dadkoodii ay ka maqanaayeen,iyadoo tilmaantey in hay`adaha iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen caawinta beeralleyda.
“Waxan codsaneynaa in beeralleyda la caawiyo, cayayaanka ayaa dhibaato dad ku keenayo, daawooyinka beeraha lama heli karo, ceelasha beeraha lagu waraabiyo ayaa la rabaa lama hayo marka hore waa in agabkooda loo dhammeystiraa markaas waa ku noqoneynaa nolashan liidatana waa ka bixi laheyn.” Ayay tiri.
Muxudiin Xasan Maxamed/FM









