
Haraad iyo biyo yaraan daran ayaa heysta boqollaal qoysas ah oo ku nool degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo maamulka degmada. Biyo-yarida degmada ka jirta ayaa lala xiriirinayaa barkadihii biyaha iyo ceel-gacmeedyada degmada oo guray maaddaama deegaanku uusan helin roob ku filan muddo dheer.
Sokor Xuseen oo ka mid ah dumarka Buurhakaba ayaa raadiyoow Ergo u sheegtay in qiimaha biyaha kooban ee degmada laga heli karo ay labo jibbaarmeen. Sokor waxey sheegtay in fuustada biyaha ah oo bil kahor aheyd 20,000Sh in hadda lagu iibinayo 50,000 oo shilin.
Laakiin Qamar Axmed Cali oo ah carruurley degmada ku nool ayaa sheegeysa in badi bulshada deegaanka aysan awoodin inay iibsadaan biyaha qaaliga ah. Waxey sheegtay in dadka degmada Buurhakaba oo horey ula dhibaateysanaa dhaqaale xumi inay hadda qarka u saaran yihiin inay harraad u geeriyoodaan.
Degmada ayaa horey ugu tiirsaneyd biyaha laga dhaansado ceel-gacmeedyo iyo waraha ay biyaha galaan xilliga roobka. Madaxa dhanka Arrimaha Bulshada ee Degmada Axmed Sheekh Xasan ayaa sheegay in roobab ku filan aysan ka da’in degmada sanadihii dhowaa. Wuxuu sheegay in maamulka degmada aysan wax weyn ka qaban karin haraadka dadka deegaanka haddii aysan kaalmo ka helin dowladda dhexe iyo hey’adaha gargaarka. Axmed Sheekh ayaa ka digay in qiimaha biyaha ay sare usii kici karaan maalmaha soo socda haddii aan biyo looga soo dhaamin degmada magaalooyinka la deriska ah sida Baydhabo oo 60km u jirta.
Muxyadiin Xasan Maxamed/MR










