Axmed Cabdirisaaq Axmed, waa 19jir aragga naafo ka ah, wuxuu dhigtaa fasalka labaad ee dugsiga sare Khadiija Bintu Khuweylid ee magaalada Garowe. Axmed wuxuu aragga beelay isagoo 9 sano jir ah markaasoo cudurka jadeecada uu indhaha tiray, wuxuuna markaas waalidkii kula noolaa deegaanka Qabri Daharre ee gobolka is-maamulka Soomaalida Itoobiya.
Axmed oo ahaa qof waxbarashada aad u jecel, dhammeeyayna dugsigii qur`aanka uu ka baranayay markuu aragga lahaa, ayaa go`aansaday inuu waxbarasho maaddi ah bilaabo, wuxuuna ku hammin jiray in sida saaxiibbadiis kale ee aragga leh uu u dhigto iskuul. Sanadkii 2009kii ayuu Axmed maqlay in iskuul lagu xannaaneeyo dadka indhaha la` laga furay Garowe, markaas ayuu go`aansaday inuu soo aado Garowe oo uusan cedna ka aqoon.
“Waxaan go`aan ku gaaray inaan soo aado iskuulkaas wax kastaba ha igu qaadatee, dhowr maalmood baan waddada kusoo jiray, umana sheegin waalidkey, intaas keligey baan ahaa, waad dareemi kartaa dhhibkay leedahay inaad soo aaddo meel aadan dad ka aqoon adoo aragga la`,” ayuu yiri Axmed.
Axmed iskuulkii markuu yimid ayaa loo sheegay inuu yahay mid sidoo kalena wax lagu baro ardayda aragga la`, halkaasoo uu ka bilaabay dugsiga hoose, ilaa hadda uu marayo dugsiga sare, waana ardayda ugu firfircoon ee kaalimaha hore ka gala iskuulka.
Balse Axmed waalidkiis oo xoolo-dhaqato ah kuna nool Qabridaharre, kuma faraxsana waxbarashadiisa, waxayna ka filayeen inuu is-daaweyn usoo aaday Garowe, soona laaban doono, waxayna ku cadaadiyeen inuu soo laabto, taasna Axmed waxay noqotay caqabad uu ka gudbay kuna qanciyay waalidkiis inuu leeyahay hammi ah inuu waxbarashada meel ka gaaro.
“Riyadeyda ayaa ahayd wax u baro sida dadka aragga leh, laakiin waalidkey waxay rabeen inaan ayaga la joogo, maaddaama ay ii walwalayaan” Ayuu yiri Axmed.
Axmed wuxuu rajeynayaa inuu sii wato waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed, si uu waalidkii iyo bulshadaba u caawiyo.
“Waxaan kula talinayaa dadka ila midka ah ee i maqlaya inaysan guryaha iska fadhin oo aysan aaminin inaysan wax baran karin ee soo baxaan soona aadan goobaha waxbarashada, naafada aragga maaha inaad u dhutiso.” Ayuu yiri Axmed.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM










