Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koofurta Soomaaliya, oo dagaallo soo noqnoqday ay ragaadiyeen ayaa meelaha ugu badan ee ay dagaalladaasi saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ah qaybaha waxbarashada gobolka, halkaasoo uusan ku oollin iskuul nidaamsan oo waxbarasho.
Waaliddiinta ayay aad u taabatay arrintaas, iyagoo ka walwalsan waxbarasho la`aanta carruurtooda. Xabiibo Saney Maxamuud oo ah hooyo heysata 7-carruur ah oo qaarkood ay gaareen xilligii waxbarashada, meelna kuma oga iskuul ay geyso carruurteeda, waxay Ergo u sheegtay, “Dhaqaalo aan meel kale ugu diro waxbarasho ma haysto, magaaladana malaha goob waxbarasho, way i dhibeysaa inaan arko carruurteydoo aan wax baran.” Ayay tiri Xabiibo.
Dhalinyarada gabdhaha iyo wiilasha ku nool magaalada ayaana iyagu niyadjab iyo quus ka jooga waxbarashada, waase kuwo u heellan inay waxbartaan.
Muxubo Cabdullaahi Ibraahim da`deedu waa 11-sano jir,waa gabar hammi u leh iney waxbarato nasiib darrose uma muuqato taas, waxay hadda qorista iyo aqrinta afsoomaaliga ka barataa dhismo burbursan oo si tabarrucaad ah wax loogu baro arday kooban, haddey dhammeysana kama sii rajo qabto inay sii waddo waxbarashadeeda.
“Goobta aan hadda wax ku barto malaha kuraas, waa mid kor ka feydan oon qorraxda celin, hadduu roob da`ana lama soo aado, waxaan ka codsanayaa dowladda iyo hay`adaha iney iskuul noo dhisaan si waxbrashada aan usii wadno.”
Cabdirasaaq Cabdullaahi Cali oo ah 12-sano jir wuxuu la mid yahay Muxubo, wuxuuna Ergo u sheegay in waxbarasho la`aanta gobolka ay mugdi gelineyso hammigiisa, waalidkiisana aysan awoodin inay gobollada kale u diraan.
Cabdullaahi Aadan Cali oo aa aqoonyahan ku nool magaalada Xudur, aadna xog ogaal ugu ah xaaladda waxbarasho la`aanta gobolka Bakool ka jirta, ayaa u sababeeyay arrintaas inay tahay gobolka oo go`doonsan iyo kadib burburkii oo aan wax horumar ah laga sameyn.
“Gobolkan weligiisba lama mid aheyn gobollada kale, dadka ku noolna waa dad iska beeralley iyo xoolo dhaqato ah oo aan ogeyn muhiimadda ay waxbarashu leedahay, carruurtuna waa kuwo guryaha iska jooga oo aan wax baran.” Ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in ilaa 1900 oo carruur gaaray heerka waxbarashada ay ku nool yihiin Xudur, taasna ay ka dhalan karto inay ku biiraan kooxaha hubeysan iyo falaldembiyeedyada.
Muxyadiin Xasan Maxamed/FM








