Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

WALAAC LAGA MUUJIYAY WAXBARASHO LA`AANTA MAGAALADA XUDUR

admin by admin
December 31, 2014
in Caafimaadka
0
WALAAC LAGA MUUJIYAY WAXBARASHO LA`AANTA MAGAALADA XUDUR
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koofurta Soomaaliya, oo dagaallo soo noqnoqday ay ragaadiyeen ayaa meelaha ugu badan ee ay dagaalladaasi saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ah qaybaha waxbarashada gobolka, halkaasoo uusan ku oollin iskuul nidaamsan oo waxbarasho.

Waaliddiinta ayay aad u taabatay arrintaas, iyagoo ka walwalsan waxbarasho la`aanta carruurtooda. Xabiibo Saney Maxamuud oo ah hooyo heysata 7-carruur ah oo qaarkood ay gaareen xilligii waxbarashada, meelna kuma oga iskuul ay geyso carruurteeda, waxay Ergo u sheegtay, “Dhaqaalo aan meel kale ugu diro waxbarasho ma haysto, magaaladana malaha goob waxbarasho, way i dhibeysaa inaan arko carruurteydoo aan wax baran.” Ayay tiri Xabiibo.

Dhalinyarada gabdhaha iyo wiilasha ku nool magaalada ayaana iyagu niyadjab iyo quus ka jooga waxbarashada, waase kuwo u heellan inay waxbartaan.

Muxubo Cabdullaahi Ibraahim da`deedu waa 11-sano jir,waa gabar hammi u leh iney waxbarato nasiib darrose uma muuqato taas, waxay hadda qorista iyo aqrinta afsoomaaliga ka barataa dhismo burbursan oo si tabarrucaad ah wax loogu baro arday kooban, haddey dhammeysana kama sii rajo qabto inay sii waddo waxbarashadeeda.

“Goobta aan hadda wax ku barto malaha kuraas, waa mid kor ka feydan oon qorraxda celin, hadduu roob da`ana lama soo aado, waxaan ka codsanayaa dowladda iyo hay`adaha iney iskuul noo dhisaan si waxbrashada aan usii wadno.”

Cabdirasaaq Cabdullaahi Cali oo ah 12-sano jir wuxuu la mid yahay Muxubo, wuxuuna Ergo u sheegay in waxbarasho la`aanta gobolka ay mugdi gelineyso hammigiisa, waalidkiisana aysan awoodin inay gobollada kale u diraan.

Cabdullaahi Aadan Cali oo aa aqoonyahan ku nool magaalada Xudur, aadna xog ogaal ugu ah xaaladda waxbarasho la`aanta gobolka Bakool ka jirta, ayaa u sababeeyay arrintaas inay tahay gobolka oo go`doonsan iyo kadib burburkii oo aan wax horumar ah laga sameyn.

“Gobolkan weligiisba lama mid aheyn gobollada kale, dadka ku noolna waa dad iska beeralley iyo xoolo dhaqato ah oo aan ogeyn muhiimadda ay waxbarashu leedahay, carruurtuna waa kuwo guryaha iska jooga oo aan wax baran.” Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ilaa 1900 oo carruur gaaray heerka waxbarashada ay ku nool yihiin Xudur, taasna ay ka dhalan karto inay ku biiraan kooxaha hubeysan iyo falaldembiyeedyada.

Muxyadiin Xasan Maxamed/FM

Previous Post

Wiil indhoole ah oo hiigsanaya waxbarasho

Next Post

Reer guuraaga oo ka cabanaya dhulka la xirmeysto

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Reer guuraaga oo ka cabanaya dhulka la xirmeysto

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo