Ugu yaraan 18 qof ayaa xanuun loo maleynayo Jadeeco ugu geeriyooday tuulooyin hoos yimaada degmada Bardaale ee gobolka Bay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. Saddexdii qof ee ugu horreysay waxey xanuunka ugu geeriyoodeen tuulada la yiraa Dhayba oo 11km u jirta degmada.
Howl-wadeen caafimaad oo ka tirsan xarunta Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka ee degmada Bardaale Cabdullaahi Xasan Cali ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in cudurka uu kasoo bilowday dhulka miyiga ah oo aan dhalaanka ku nool aysan helin talaalka Jadeeca. Xanuunka ayaa hadda ku faafay degmada oo aan laheyn xarun caafimaad oo weyn oo ay bukaanadu ka heli karaan dawooyin.
Carruurta shanta sano ka yar ayaa ugu badan dadka xanuunka ugu dhimanaya tuulooyinka hoos yimaada degmada Bardaale. Dad kale oo ka badan 50 qof oo xanuunka la ildran ayaa jiifa xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee degmada iyo guryaha, iyaga oo aan heysan gargaarka caafimaad ee ay u baahan yihiin. Dadka ugu badan hadda xanuunka la ildaran waxey ku nool yihiin xeryaha dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee duleedka magaalada ku nool.
Cabdullaahi wuxuu sheegay in xarunta Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka aysan oolin dawooyinka la siiyo dadka qaba xanuunka Jadeecada, waxa keliya ee xaruntu heli kartana ay tahay daawooyinka qandhada lagu qaboojiyo. Xarunta caafimaad ee ugu dhow oo ay bukaannadu daawo ka heli karaan waxey ku taallaa degmada Baydhabo ee xarunka gobolka Bay oo 60km u jirta Bardaale. Bukaannada oo dhan uma sahlana safarkaas dheer.
Muxyadiin Xasan Maxamed/MR









