Boqol iyo afar (104) rag ah oo isgu jira barakacayaal, kuwo ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo danyaroo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku biiray kallumaystada gobolka kadib markii qaar ka mid ah hay’adaha samaflka ku caawiyeen 13 doonyood qalabkooda.
Dadkaan ayaa 8 qofka la siiyey doon, matoor leh oo ay ku kaluumaystaan, arrintaan ayaana qayb ka noqonaysa hanaanka xoojinta wax haysiga dadka iyo in bulshadu ka baxdo xeryaha ay barakaca ku ahayd muddada dheer
Aadan Cabdi Mayow oo horay ug asoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab haddana markale ay daadad ka soo barakaciyeen deegaanada xiga dhanka gosha Kismaayo ayaa sheeegay inay wax badna noolashiiska badali doonto uuna ku shaqaynsa doono fursada qaali ah ay tahay.
Buraale Axmed Buraale oo isna ka soo noqday Dhadhaab bishii November ee ina dhaaftay, uuna qaxooti ku ahaa 11 sano ee la soo d haafay ayaa Ergo u sheegay in 20 maalmod oo tababar ah ay soo qaateen kaasoo ay fulinayeen wasaaradda kalluumaysiga Jubba iyo hay’adda American Refugee Committee (ARC), waxaa nalagu baray habka kalluumaysiga iyo sida aan u galayna badda iyo qorshayaal dheeri ah.
Cabdiraxmaan Maxamed Fuumo Garaar oo ah madaxa kalluumaysiga ee gobolka Jubadda hoose ayaa sheegay inay tahay talaabo horay loogu qaaday sidii dadka colaaduhu barakaciyeen noloshoodii dib ugu bilaabi lahaayeen, sidoo kale ay dhiiri gelin u tahay kumanaanka qof ee kale eek u sugan xeryaha qaxootiga inay dib u soo noqdaan kana faa’iidaystaan khayraadka wadanka.
Wasiirka ku xigeenka kalluumaysiga ee maamulka Jubba Cabdullaahi Sheekh Shaafici ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in mashruucan loogu talgalay in shaqo loogu abuuro qaxootiga ka soo laabanaya xerayaha Dhadhaab iyo dadka dan yarta ah si kor loogu qaado noolshdooda iyo baahiyaha aasaasiga ah waana mashruucii ugu horreeyey ee hadda Kismaayo laga fuliyey tan iyo intii la dhisay maamulka Jubba, barnaamijkan ayaa waxaa iska kaashaday hay’adaha UNHCR, ARC iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba.
Maxamed Sahal










