Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

WAREYSI: XAALADDA CAAFIMAAD EE XILLIGA DHALMADA HAWEENKA TUULADA SAA-DHUUMAY

admin by admin
December 7, 2014
in Caafimaadka
0
WAREYSI: XAALADDA CAAFIMAAD EE XILLIGA DHALMADA HAWEENKA TUULADA SAA-DHUUMAY

Photo | Sawir/ Makaraan/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka ku nool tuulada Saa-dhuumay oo 15 KM u jirta dhanka waqooyi degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaynaya dhibaato ka haysta xagga caafimaadka gaar ahaan xilliga dhalmada dumarka.

Nadiifo Cabdi Faarax waxay ka mid tahay haweenka ku nool tuuladaas waxayna Raadiyaha Ergo uga warramaysaa xaaladda caafimaad ee deegaankeeda gaar ahaan haweenka iyo carruurta, weriyaha Radio Ergo Maxamed Macaliin Aadan ayaa ugu horreyn waydiiyey Nadiifo dhibaatada ay la kulmaan haweenka xilliga foosha.

Nadiifo: Waxaa noogu daran waa xilliga foosha oo hooyooyinka qaarkood soo wahjado xaalado ay ka mid yihiin ilamaha oo qaloocda, dhiig-bax iyo tabar darro.

Ergo: Cisbitaal ma leedahay tuulada?

Nadiifo: Maleh wax cisbitaal ah ” waxaa jooga 3 haween umuliso dhaqameed ah oo aan tababarnayn, ma haystaan qalab iyo daawo toona Waxna kama qaban Karin xaaladaha la soo gudboonaada haweenka dhalaya.

Ergo: Xagee cisbitaal u aadaan?

Nadiifo: Waxaa cisbitaal noogu sokaysa Doolow oo noo jirta 15 KM, oo dhawaan 5 haween ah ayaa loo qaaday, qaarkood maalmo ayey foolanayeen oo ilmo mayd ah ayaa laga soo saaray, halka qaarna ilmuhu ku qaloocnaayeen iyo kuwa dhiig la’aan tardeed u foolan waayey iyo tabar darro la liitay.

Ergo: Waa maxay dhibaatada ugu daran ee haweenka xilliga dhalamada ay la kulmaan?

Nadiifo: Waxaa ugu daran dhiig-bax, nafaqo darro, ilamaha oo ku mayda iyo waxyaabo kale oo aan horay loo garan, wali waxaa intaas dheer haddii xaalad deg deg ah ay dhacdo waxaa maalmo la sugaa gaarigi lagu qaadi lahaa mararka qaar telleefanada ayaa naga dama oo dab ma helno, Carruurta xataa waxaa haya hargab iyo shuban maleh cisbitaal, dhaqatar iyo daawo midna.

Ergo: Adiga meeqo carruur ayaad haysataa?

Nadiiffo: 7 carruur ah ayaan haystaa, 5 sano ayaan degnahay tuuladan welwel ayaan ku dhalay dhammaantood, dumarka oo dhan way ila qabaan oo cabsida ay qabaan xilliga uurka leeyhiin ayaa laga yabaa inay ku keento xanuunno kale.

Ergo: Maxaad codsanaysaan?

Nadiifo: Waxaan rabnaa in loo dhiso xarumo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah, in naloo tababaro umulisooyinka qalabna la siiyo, daawana na loo keeno, dhaqatarka carruurta waan u baahanay waayo dadka qaarkii ma awoodaan in xataa meel kale qofka xanuunsan loo qaado dhaqaale awgii, isgaarsiinta aad ayey noogu xuntahay dhibaatadu way iska badan tahay .” Ayey raacisay hadalkeeda.

Maxamed Macallin Aadan

Previous Post

DADKA HARGEYSA KU NOOL OO SOO FAHMAYA FAA’IIDADA AY LEEDAHAY CUNTADDA GUDAHA KA BAXDA

Next Post

Kismaayo: 104 oo barakacayaal ah oo ku biiraya kalluumaysatada

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Kismaayo: 104 oo barakacayaal ah oo ku biiraya kalluumaysatada

Kismaayo: 104 oo barakacayaal ah oo ku biiraya kalluumaysatada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo