Haweenka ku nool tuulada Saa-dhuumay oo 15 KM u jirta dhanka waqooyi degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaynaya dhibaato ka haysta xagga caafimaadka gaar ahaan xilliga dhalmada dumarka.
Nadiifo Cabdi Faarax waxay ka mid tahay haweenka ku nool tuuladaas waxayna Raadiyaha Ergo uga warramaysaa xaaladda caafimaad ee deegaankeeda gaar ahaan haweenka iyo carruurta, weriyaha Radio Ergo Maxamed Macaliin Aadan ayaa ugu horreyn waydiiyey Nadiifo dhibaatada ay la kulmaan haweenka xilliga foosha.
Nadiifo: Waxaa noogu daran waa xilliga foosha oo hooyooyinka qaarkood soo wahjado xaalado ay ka mid yihiin ilamaha oo qaloocda, dhiig-bax iyo tabar darro.
Ergo: Cisbitaal ma leedahay tuulada?
Nadiifo: Maleh wax cisbitaal ah ” waxaa jooga 3 haween umuliso dhaqameed ah oo aan tababarnayn, ma haystaan qalab iyo daawo toona Waxna kama qaban Karin xaaladaha la soo gudboonaada haweenka dhalaya.
Ergo: Xagee cisbitaal u aadaan?
Nadiifo: Waxaa cisbitaal noogu sokaysa Doolow oo noo jirta 15 KM, oo dhawaan 5 haween ah ayaa loo qaaday, qaarkood maalmo ayey foolanayeen oo ilmo mayd ah ayaa laga soo saaray, halka qaarna ilmuhu ku qaloocnaayeen iyo kuwa dhiig la’aan tardeed u foolan waayey iyo tabar darro la liitay.
Ergo: Waa maxay dhibaatada ugu daran ee haweenka xilliga dhalamada ay la kulmaan?
Nadiifo: Waxaa ugu daran dhiig-bax, nafaqo darro, ilamaha oo ku mayda iyo waxyaabo kale oo aan horay loo garan, wali waxaa intaas dheer haddii xaalad deg deg ah ay dhacdo waxaa maalmo la sugaa gaarigi lagu qaadi lahaa mararka qaar telleefanada ayaa naga dama oo dab ma helno, Carruurta xataa waxaa haya hargab iyo shuban maleh cisbitaal, dhaqatar iyo daawo midna.
Ergo: Adiga meeqo carruur ayaad haysataa?
Nadiiffo: 7 carruur ah ayaan haystaa, 5 sano ayaan degnahay tuuladan welwel ayaan ku dhalay dhammaantood, dumarka oo dhan way ila qabaan oo cabsida ay qabaan xilliga uurka leeyhiin ayaa laga yabaa inay ku keento xanuunno kale.
Ergo: Maxaad codsanaysaan?
Nadiifo: Waxaan rabnaa in loo dhiso xarumo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah, in naloo tababaro umulisooyinka qalabna la siiyo, daawana na loo keeno, dhaqatarka carruurta waan u baahanay waayo dadka qaarkii ma awoodaan in xataa meel kale qofka xanuunsan loo qaado dhaqaale awgii, isgaarsiinta aad ayey noogu xuntahay dhibaatadu way iska badan tahay .” Ayey raacisay hadalkeeda.
Maxamed Macallin Aadan









