
Muqdisho waxaa ku nool dhalinyaro tahriibtay soona arkay dhibka tahriibka uu leeyahay kadibna go’aansaday inay dalkoodii dib ugu noqdaan, kuwaasoo ka abuuray nolol cusub oo horumar leh, Xamdi Cabdulqaadir waa gabar 24 sana jir lab sano ka hor waxay u dhaxasyay xerooyin qaxooti oo ku kala yaala Ethopia iyo Jabuuti waxayna u sheegtay Ergo.
“Qof kastoo tahriib galla wuu ogayahay dhibaatada ay leedahay, anniga qaxootiga Awbare ee bariga Ethiopia ku yaal ayaan ku jiray sanado 6 ah, waxaan kaloo tegey xeradda qaxootiga ee Cali Cadde ee Jabuuti ku taal oo iyana 3 sano aan joogay, khataro kufsi iyo dil naftayda ah ayaanan kala kulmay”
Xamdi waxay ku soo noqotay Muqdisho sanadkii 2011 oo ay ka furatay meel haweenka lagu qurxiyo iyo dukaan yaroo ku dhex yaal oo alaabooyinka haweenku ismariyaanna lagu gaddo, “waxaan aqaanay xirfadda cilaan saarka, halkaas oo aan ka soo bilaabay shaqadaan oo ah mehered ku taal xaafadda Wardhiigley.
Xamdi ayaa sheegtay in nolosheedu maanta ka wanaagsan tahay sidii hore, jamacad Soomaaliya ayey dhigataa, waxayna barataa cilmiga arrimaah bulshada (Social Sciences) waxaan ka mid ahay guddiga ardayda ee jaamacadda, ganacsi yar ayaan haystaa wuuna iigu filan yahay noloshayda iyo tan waxbarashada, qoyskaygana waxbaan ka taraa.
Cabdulaahi Xuseen Jiir yare waa 26 sano jir todobo cisho ayuu ku safrayey gudaha badda oo wuxuu doon ka racay Mambasa Kenya wuxuuna u tahriibay wadanka Musambiig kadibna koonfur Africa wuxuuna Ergo u sheegay “2009 bishii Abril ayaan Muqdisho ka safray 4 bilood ayey igu qaadatay inaan ku gaaro koonfur Afrika, ma haysan wax sharci ah, mukhalaskii Muqdisho iga kexeeyey ayaa siduu mid kale iigu wareejinayey aan ku gaaray halkaas, 2 sano markaan joogay, oo aan arkay khataro badan oo naftayda quus ku keenay, kuwii iga soo horeeyey oo an waxba haysan, ayaan go’aansaday inaan dib u soo noqdo, sanadkii 2011 dhamaadkiisii”
Cabdulaahi hadda waa ganacsade si wacan looga yaqaan deegaanka, waan mulkiilaha Kulmiye shopping center waa dukaan weyn oo ku yaala isgoyska Fagax, afar sano ka hor ayuu ka bilaabay xoogaa lacag ah oo uu kala yimid koonfur Afrika.
“Markaan dib ugu soo noqday Muqdisho ayaan go’aansaday inaan wax ka qabsado wadankayga, annigoo runtii arkay muhiimadda uu leyahay inaad joogto gurigaaga, waad aragtaa inaan haysto dukaan fiican, jamacad aan ka baranayo cilmiga ganacsiga ayaan bilaabay sanadkaan, xilli dukaankaan gataa, xillina jamacadaan aadaa, anigoo xasiloon ayaan gurigayga aadaa fiidkii”
Ma jirto hay’ad dowladeed oo si rasmi ah ugu taagan joojinta tahriibka, waxaase jira ururo dhalinyaro oo iskood isu abaabulay oo ku howlan wacyegelinta dhalinta wali ku mashquulsan wadooyinka kala doorasho nolol iyo geeri taasi oo ay kuu sheegayaan middood in ay ahaandoonto.
Faysal Guuleed waa gudoomiye ku xigeen ururka la dagaalanka tahriibka kana dhisan Muqdisho waxa aan weydiiyay sida ay dhalinta kaga wacyi geliyaan tahriibka .
“Annaga waxaan tagnaa jamacaddaha, iskuuladda iyo goobaha dhalinyartu isugu timaado waxaanan u sheegnaa in ay iska dhaafaan tahriibka, sidoo kale kuwa aan waxbarasho aadin ayaan ku dhiiri gelinaa inaysan cidla fadhin, sidoo kale waxaan dhalinyarada ku baraarujinaa inay shaqo bilaabaan noocay doonto ha ahaatee, arrimahaan oo dhamaantoo ah dhiiri gelin dhalinyaradu inaysan gelin tahriib khatar badan”









