Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhalinyaro tahriibtay oo dib ugu soo noqotay wadanka, kana samaysay nolol

Radio Ergo by Radio Ergo
December 15, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Cabdullaahi Xuseen/Sawir/Cabdulqadir/Ergo

Muqdisho waxaa ku nool dhalinyaro tahriibtay soona arkay dhibka tahriibka uu leeyahay kadibna go’aansaday inay dalkoodii dib ugu noqdaan, kuwaasoo ka abuuray nolol cusub oo horumar leh, Xamdi Cabdulqaadir waa gabar 24 sana jir lab sano ka hor waxay u dhaxasyay xerooyin qaxooti oo ku kala yaala Ethopia iyo Jabuuti waxayna u sheegtay Ergo.

“Qof kastoo tahriib galla wuu ogayahay dhibaatada ay leedahay, anniga qaxootiga Awbare ee bariga Ethiopia ku yaal ayaan ku jiray sanado 6 ah, waxaan kaloo tegey xeradda qaxootiga ee Cali Cadde ee Jabuuti ku taal oo iyana 3 sano aan joogay, khataro kufsi iyo dil naftayda ah ayaanan kala kulmay”

Xamdi waxay ku soo noqotay Muqdisho sanadkii 2011 oo ay ka furatay meel haweenka lagu qurxiyo iyo dukaan yaroo ku dhex yaal oo alaabooyinka haweenku ismariyaanna lagu gaddo, “waxaan aqaanay xirfadda cilaan saarka, halkaas oo aan ka soo bilaabay shaqadaan oo ah mehered ku taal xaafadda Wardhiigley.

Xamdi ayaa sheegtay in nolosheedu maanta ka wanaagsan tahay sidii hore, jamacad Soomaaliya ayey dhigataa, waxayna barataa cilmiga arrimaah bulshada (Social Sciences) waxaan ka mid ahay guddiga ardayda ee jaamacadda, ganacsi yar ayaan haystaa wuuna iigu filan yahay noloshayda iyo tan waxbarashada, qoyskaygana waxbaan ka taraa.

Cabdulaahi Xuseen Jiir yare waa 26 sano jir todobo cisho ayuu ku safrayey gudaha badda oo wuxuu doon ka racay Mambasa Kenya wuxuuna u tahriibay wadanka Musambiig kadibna koonfur Africa wuxuuna Ergo u sheegay “2009 bishii Abril ayaan Muqdisho ka safray 4 bilood ayey igu qaadatay inaan ku gaaro koonfur Afrika, ma haysan wax sharci ah, mukhalaskii Muqdisho iga kexeeyey ayaa siduu mid kale iigu wareejinayey aan ku gaaray halkaas, 2 sano markaan joogay, oo aan arkay khataro badan oo naftayda quus ku keenay, kuwii iga soo horeeyey oo an waxba haysan, ayaan go’aansaday inaan dib u soo noqdo, sanadkii 2011 dhamaadkiisii”

Cabdulaahi hadda waa ganacsade si wacan looga yaqaan deegaanka, waan mulkiilaha Kulmiye shopping center waa dukaan weyn oo ku yaala isgoyska Fagax, afar sano ka hor ayuu ka bilaabay xoogaa lacag ah oo uu kala yimid koonfur Afrika.

“Markaan dib ugu soo noqday Muqdisho ayaan go’aansaday inaan wax ka qabsado wadankayga, annigoo runtii arkay muhiimadda uu leyahay inaad joogto gurigaaga, waad aragtaa inaan haysto dukaan fiican, jamacad aan ka baranayo cilmiga ganacsiga ayaan bilaabay sanadkaan, xilli dukaankaan gataa, xillina jamacadaan aadaa, anigoo xasiloon ayaan gurigayga aadaa fiidkii”

Ma jirto hay’ad dowladeed oo si rasmi ah ugu taagan joojinta tahriibka, waxaase jira ururo dhalinyaro oo iskood isu abaabulay oo ku howlan wacyegelinta dhalinta wali ku mashquulsan wadooyinka kala doorasho nolol iyo geeri taasi oo ay kuu sheegayaan middood in ay ahaandoonto.
Faysal Guuleed waa gudoomiye ku xigeen ururka la dagaalanka tahriibka kana dhisan Muqdisho waxa aan weydiiyay sida ay dhalinta kaga wacyi geliyaan tahriibka .

“Annaga waxaan tagnaa jamacaddaha, iskuuladda iyo goobaha dhalinyartu isugu timaado waxaanan u sheegnaa in ay iska dhaafaan tahriibka, sidoo kale kuwa aan waxbarasho aadin ayaan ku dhiiri gelinaa inaysan cidla fadhin, sidoo kale waxaan dhalinyarada ku baraarujinaa inay shaqo bilaabaan noocay doonto ha ahaatee, arrimahaan oo dhamaantoo ah dhiiri gelin dhalinyaradu inaysan gelin tahriib khatar badan”

Previous Post

SANAAG: BULSHADA KU NOOL TUULADA WAR-DHEER OO DHAQAALE ISKA ARUURINAYA

Next Post

Naafada Muqdisho oo ka cabanaya takoor

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Naafada Muqdisho oo ka cabanaya takoor

Naafada Muqdisho oo ka cabanaya takoor

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo