Bulshada ku nool tuulada Wardheer oo 25 KM dhinaca galbeed kaga began magaalada Xin-galool ee gobolka Sanaag ayaa bilaabay dhaqaale ururin ay doonayaan in ay dib ugu dhistaan dugsiga hoose dhexe ee deegaanka oo bilo ka hor ay dumiyeen dabaylo.
Mahad Ibraahim Ciise oo ah maamulaha islkuulkaas ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in 10-kii June ee sanadakna dabayl ka dhacay tuulada ay gababi ahaanba saqafakii ka qaadeen dhimaha dugsiga, xillgaa soo ay wax ka baramayery arday ku dhawo 180, wuxuu sheegay in wax qalab ah uusan oolin iskuulka.
Duqa tuulada Wardheer Ismaaciil Jaamac Qaareey, ayaa Ergo u sheegay in carruurta deegaanka aysan waxbarasho helin 5 bilood ee la soo dhaafay qaarkood ayaa walidiintood waxay u kaxeeyeen meelo kale si ay waxbarasho uga helaan halka kuwa ka soo jeeda qoysaska dan yarata ah ay iska joogaan.
Wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanka ay bilaabeen inay iska soo ururiyaan xoolo si dib loogu dhisto dugsiga oo waxbarasho loogu helo carruurta balse mahan mid ku filan oo ilaa June ayaa wada walina wax ku filan lama hayo dhismahada dugsiga, dadka waxa laga qadayaa waa xoolo nool waayo ma jiro dhaqaale kale oo bulshadu haysato.
Mid ka mid ah nabadoonnada deegaanka ayaa ka codsaday bulshada inay ka caawiyana dhaqaalaha inta dhiman si loo dhamaystiro, maadamama dadka deegaannkay u badan yhiin xoolo dhaqato.
Dabeylashaas ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay dumiyeen guryo badan oo ay dad ku noolaayeen, hadda waxaa tuulada jooga 68 arday oo aan haysan waxbarasho 112 arday waxay kala aadeen deegaano kale oo ay ka doonteen waxbarasho.
Aasiyo Cabdirisaaq








