Jaamac Xasan Aadan waa aabe dhalay 8 carruur ah, waana 46 jir, wuxuu ahaa darawal 15 sano mudo ku siman oouu isaga kala gooshayey Puntland iyo Somaliland, Bishii Abril ee sanadkaan ayuu Jaamac dhidibadda u taagay 3 hektar oo beer ah, waxayna noqonaysaa beertii ugu horaysay ee deegaankaan Kala bayr laga sameeyo, deegaanka Kala bayr waxay 60 km u jirtaa magaladda Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal oo ay ka tirsan tahay, waa tuulo dhisan 45 sano, dadkeedu waa xoolo dhaqato, ma lahan tuuladu ceel biyood, waxaase biyo u ah biyaha berkaddaha ee xilliga roobku da’o buuxiya dhismayaasha sibidhka ka samaysan ee dhulka laga qoday.
Jaamac oo Ergo la hadlaya ayaa sheegay “annigoo gaari wadda oo saaran jid, oo sida dad socoto ah ayaa ay niyadayda ku soo dhacday, inaan beer ka sameeyo deegaankayga, runtiina waxaa marar badan maqlay dhiiri gelimo la leeyahay dadku dhulkooda ha ka faa’iidaysteen, markaas ayaan ku fekerey tuulo oomane ah oo qalalan oo aan biyo lahayn, weligeedna dadkeedu aysan ku fekerin beer inaan beer ka sameeyo.”
Jamaac ayaa sheegay inuu geed qaaday dhul saddex hiktar dhan, uuna hal hiktar keliya ka beero hadda, hiktarkaas oo ay ku beeran yihiin hadda geed miroodyada kala ah babaay, Liin, saytun, iyo sidoo kale Gelley, wuxuu kaloo qayb ka mid ah hiktarka ku beeraa khudaarta uu doonayo inuu ka helo dhaqaale ee ay ka mid yihiin yaanyada, barbarooniga iyo khudaarta cagaaran, hadda Yaanyo iyo khudaar kale ayaa ii soo go’day, ayuu Ergo u sheegay, isagoona intaas ku daray in markii uu beertaan geed qaadayey ay la yaabeen dadka deegaanku iyagoona ku tilmaamay inuu yahay nin waalan, waanse ku sii dhiiraday oo waxaan u sheegay intay dadku gidaaradda fadhiyaan inay dhulkooda ka manafacadsadaan, haddana way ii garaabeen.
Jamaac waa aabe dhalay 8 carruur ah weligiina beer kama shaqayn, mana arag, mudadii shanta bilood ahayd ee uu ka shaqaynayey ayuu sheegay inuu khibrad badan ka helay, waxaanse gacan waydiistay oday abtigay ah oo Kabsuuma beer ku lahaa bilowgii hore, waxaanse markii danbe la qabsaday barnaamijka beeraha ee idacadda Ergo ka baxa arbaca kasta, oo runtii aan ka helay hababka beerashada, inta dhirta la isu jirsiiyo, sida sunta cayayaanka loo isticmaalo, noocyada aan la isticmaalin, sida carrada loo hagaajiyo runtii, sidii siminaar ayaan u dhegeystaa maalin kastoo arbaca ah barnaamijka beeraha ee Ergo waana dugsigayga aan ka helay aqoonta asyan jirin meel kale oo aan ka heli karayey.
Tuulada Kala bayr ayaa hadda hesha khudaarta ka soo go’day beertaan, waana markii ugu horaysay ee ay suuqyadooda ku arkeen miro ka soo baxay deegaankooda, tanoo keentay inay dadku hadda is waydiiyaan muhiimadda ay leedahay fikirkaan uu la yimid Jaamac isagoona sheegay waxaan hadda donayaa inaan sii balaariyo beerta, waxaan rabaa inaan mustaqbal ka dhigto beeristaan, inkastoo dhulka uu wax ku beerayo yahay dhul qalalan oo aan lahayn ceel, wuxuu kaloo sheegay in weli dhaqaale xumi haysato uu ku horumariyo.
Cabdiraxmaan










