
154 qoys oo barakacayaal ah kuna noola xero ku taalay degmada Kaxda ee Muqdisho ayaa maalintii 8daad banaanka daadsa, dadkaan ayaa guryihii cooshadaha ahaa ee ay lahaayeen waxaa baabi’iyey dab kacay.
Dadkaan oo ku noolaa 50 bush oo ka samaysnaa cooshado oo qoyasaskani ku noolaayeen ayaana dabkii baabi’iyey, Maxamed Cali oo ahaa horjoogihii xeradaas ayaa Ergo u sheegay in dabku ka kacay guri cooshad ah oo dab gudihiisa lagu shiday, dabayl jirtay ayaana u fududaysay in dabku isaga baxo xeradda.
Dadkaan ayaa hadda u hoyda goob banaan oo ku taal degaanka Kaxda, iyagoo dadkaan ay ka mid yihin qoysas aad u dan yar, siday Ergo u sheegtay Saciido Axmed Shire waa haweenay haysata 5 carruur ah waxayna ka mid tahay dadka dabku ka burburiyey guryahoodii, “Annigu umul ayaan ahay, dadka kale ee iyana dhibataysan waa kuwo uur leh iyo kuwo kale oo tamar daran.”
Cabdikaamil Shugri Macalin Xirsi waa gudoomiyaha degmada Kaxda oo ay xeradaani ku taal wuxuuna Ergo u sheegay in dadkaan ay horayba uga liiteen hoyga iyo nolosha, “dadkaan waa dad ka soo barakacay gobolka Bay, kaamku waa kaam weyn, waxaan keliya oo annagu u qabanay in dabka la hakiyo oo uusan wada gaarin kaamka oo kumanaan qoys degan yihiin, waanan u sheegnay hay’addha gargaarka si gacan loo siiyo dadkaan.”
Humbilan Maxamed Aadan waa hooyo haysata 8 carruur ah iyada iyo odaygeeduba waxay u xamaal tegi jireen magalada, haddase gurigii ayaa ka gubtay, iyadda iyo odaygiibana carruurtii ayey banaan la taagan yihiin “Anniga markii dabku bilaamay waxaan jiray magaladda, waa la I soo wacay waxaana la ii sheegay in xeradii gubanayso waan soo cararay dabkii oo gurigaygii dhamaan bas beeliyey ayaan imid, oo carrruurtii dadkii deriska ahaa ka qaxiyeen, hadda banaankaan fadhinaa, ma haysano hoy, weel aan wax ku karsano, weel aan biyo ku dhaansanno iyo xitaa goob aan saxadda ku hagaajisanno, waxaan marka codsanaynaa.
Dabka ayaa ah khatarta ugu badan ee dadka barakacayaasha ahi la kulmaan xilliyo kala duwan, iyadoo sanadkastana ay geystaan khasaaro kala duwan.
Farxiya










