Shillinga Soomaaliga ah oo duugoobay iyo qiimaha sarifkiisa marka lo eego lacagaha qalaad oo liita ay aa dadka Soomaaliya ku nool ka dhigay inay noqdaan kuwa afrika ugu horeeya wakhtigaan inay ku tiirsanaadaan lacagaha lagu shubto taleefonadda gacanta, ilaa hadda waxaa wadanka ka jira in ka badan shan shirkadood oo bixiya adeega bangiyada ee taleefonadda gacanta, dhamaan qaybaha ganacsiga eek ala duwan ayaana dadku ku bixiyaan lacagaha, metalan hadda fariisato maqaaxi gabadhi ku haysto guddaha Baydhabo oo aad koob shaaha ka cabto waxaad lacag $0.20 ah ugu tuuraysaa talefoonkeeda, waana aalad miyi ilaa magaalo si isku mid ah loogu adeegsado, ayna dadku ku fududeeyeen culaysta lacagtii shillin Soomaaliga oo noqotay giinbaar aan la qaadi karin iyadoo halkii dollar lagu sarifo lacag 22 kun Shillin, lacagta Soomaaliya wakhtigaanna kun ayaa u weyn kunna waa u yaryahay.
Waxaase arintaani ay dhibaato ku noqotay bulsho aan iyagu heli karin taleefonadda gacanta, haddii ay helaanna u nugul in laga qaato waa carruurta caseeyayaasha ah ee ku nool Baydhabo, curruurtaani waa kuwo ka soo jeeda qoysas sabool ah, laba ilaa saddex kun ayey ku caseeyaan kabah oo ay u soo shaqo tagaan, dhibaatadda ugu daran ee haysata hadda waa helitaanka lacagta, iyagoona ay dantu ku khasabtay inay qaataan taleefonada gacanta, si qofkastoo ay u caseeyaan kabaha uu ugu bixiyo lacagta, waxaase caqabad ku ah habkay u heli lahaayeen lacagtooda, iyo siday telefonka laftigiisa u xafidan lahaayeen.
Suleeman Yuusuf Shariif, wuxuu ka mid yahay carruurta kabaha caseeya ee Baydhabo ku sugan, shaqadan wuxuu ku guda jiraa mudo 3 sano ah, da,adiisuna waa 12-sano jir, shaqadaan uu hayo wuxuu ku biilaan hooyadiis iyo 3-caruur ah oo isaga la dhalatey kana yar, wuxuu u sheegay Ergo siduu u maareyo arrintaan.
“Shaqadeyda waa caseeye, waxaan hooyadey kasoo qataa maalintii mobilkeeda si dadka lacagta iigu shubaan, marka aan dhowr qof kabaha u caseeyo, fariimaha ii soo dhaca ma fahmayo, habeenki ayaa hooyadey weydiiyaa waa ii sheegtaa inta iigu jirto, 3 doolar ilaa laba doolar ayaa maalintii qabtaa oo hooyo u geeyaa, waxna ma akhriyo annigu, hooyadayna waxay subaxii igu adkaysaa in aanan guntiga ka soo bixin telefonka si aan la iiga qaadin, dadkana waxaan siiyaa numberka oo warqad yar iigu qoran, waxanan dhegeystaa codka fariinta ii soo dhacday, keliya, mase fiiriyo intay tahay.”
Xuseen Macalin Maxamed waa 8 sano jir isagu, “Aniga shaqadeyda waa caseeye,dadka aad ayay dhibaato noogu geystaan, marka kabaha u mariyo, keen numberkaaga ayey oranayaan, mar ayaan telefon tuushle ah soo qaatay, isagiina carruur iga xoog badan ayaa iga qaaday, mana haysto, taasina waxay keentay in lacagta la i yiraahdo keen meel aan kuugu shubno, marka ma haysto way la tagaan, haddaan ku qabsadana waa ku jir dilayaan, kadibna waa isaga tagnaa, marka ugu badan 50 kun oo shilinka soomaaliga ah ayaa helaa malintii, hooyo ayaa u geeyaa, dadka qaar hadii mobile aan heysan oo lacagta la iigu shubo waa iga tagaan iyaga oo lacag isiin waxay I leeyihin shilin soomaali ma wadanno.”
Cabdirisaaq Cali Cabdi waa mid ka mid ah dadka kabaha loo caseeyo, waxaan weydiiyey sida ay ula macaamilaan carruurtan dadka qaar ee shaqada ay u qabtaan dhibaato kala kulmaya. “Waa la socnaa dhibaatada caseeyaha lagu hayo, laakin aniga lacagta shillin soomaaliga ayaa siiya laba kun, sadax kun waa wax iska yer uma baahna in mobile looga shubo, waxan dhihi lahaa kuwa ku khasbaya carruurta inay qaataan mobile waa xujaynayaan, marka yaan la dhibin carruurta masaakiinta ah.”
Xasan maclin yuusuf waa madaxda xarunta nabada iyo xaquuqul insaanka ee ka shaqeeya bay iyo bakool, wax badan kala socda dhibaatada carruurta caseeyaha soo wajahdey. “Waa wax fool xun oo shaqada carruurta lagu hayo, waa masaakin nolal raadinayo, waxaa haboon in laga waan toobo, tan kale waxaan wadnaa hab dacwo iyo garsoor ay u heli lahaayeen carruurtaasi si marka dhibku ku yimaado ay u helaan cid xaqooda u dhicisa.”










