Maamulka waxbarashada ee xerada qaxootiga Al-kharaz ee dalka Yemen ayaa sheegay inay jiraan caqabado dhawr ah oo hoos u dhigay tayada waxbarsho ee iskuulada oo ay dhaqaalahooda bixiso hay’adda UNHCR.
Cismaan Qaasim Xuseen oo ah gudoomiyaha gudiga waxbrashada ee Al-kharaz ayaa Ergo u sheegay in ay xerada ku yaallaan hal iskuul hoose dhexe iyo hal iskuul oo dugis sare ah, ardayada dhigata tiradooda waa 4 kun iyo 2 boqol oo arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, qaarkood gelinka danbe ayey dhigtaan kuwana gelinka hore.
Caqabadaha jira ayuu ku sheegay inay yihiin macallimiinta wax ka dhiga iskuullada oo yar, fasallada oo aad ciriiri u ah, aradyada oo sanakiiba 3 bilood oo ka mid ah dib uga dhaca waxbarashada sabab u ku sheegay inay ka timaado dadka deegaanka yamaniyiinta ah oo marka ay soo codsadaan shaqada macallinimada haddii aan bilaa shuruud lagu qaadan sameeyaan falal isugu jira inay xiraan iskuulaadka iyo isbitaallada.
Maxamed Abuukar Cumar oo ah macallin ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Al-kharaz luuqadda Soomaaliga ayaa sheegay inay jiraan arday badan oo ka hara waxbarshada duruufo la xiiriira arrimaha qoyskooda oo u shaqa taga magaalooyin kale, halka qaar ay wakhti kooban ay waxbartaan soo xaadira imitxaanaadka taas oo caqabad ku ah waxbarshada carruurta.
Sucaad waa gabar 15 ah oo dhigata fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe waxay sheegtay in carruur badan oo saxibadeed ah ay ka hareen tacliinta balse ayadu ay doonayso inay heer ka gaarto, Sucaad ayaa Ergo u sheegtay in mustaqbalka ay doonayso inay noqoto wasiir si ugu shaqayso dadkeeda iyo dalkeeda.
Guud ahaan waxbarashada iyo aqababka wax lagu barto waa kuwo bilaasha ah oo waxaa bixisa dhaqaalaha hay’adda UNHCR, qaxootiga ku nool xerada oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo tiradooda lagu sheegay 35 kun oo ayaa 14 sano ku sugan halkaas.
Mohamed Koronto








