Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xaaladda macalimiinta gobolka Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 21, 2014
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/kaydka/Diirshe/Ergo

Macalimiinta gobolka Gedo ayaa ku shaqeeya duruufo adag, amaan daradda, dhaqaalo xumida iyo la’aanta kaabayaasha xirfadeed ayaana ah caqabado ay sheegeen.

Cali Maxamed Ciise  oo madaxa waxbarashada degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta Ergo ayaa sheegay in tayada macalimiinta gobolku ay liitaan, kuwii horay ay u tababartay dawladii horena noqdeen kuwo gaboobay, aysanna jirin hadda hab ay u helaan macalimiintu xirfaddaha muhiimka u ah wax barista carruurta.

Faarax Sheekh Cadow oo ka mid ah guddiga waxbarashada gobolka gedo ahna maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Degmada Luuq ayaa sheegay  in colaaduhu yihiin kuwa ugu daran ee dhabarka ka jebiyey macalinka, sidoo kale xirnaanshaha wadooyinku ay macalimiinta ku ku hayaan caqab ah inaysan dhaqaaqi karin, , wuxuuna sheegay siday tirakoob ku hayaan 2 sano ee ugu dambay say 15 macalin  ay tageen shaqooyinkoodii dugsiyada gobolka, kuwaasoo kala aaday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Magaladda Muqdisho, iyadoo iskuulkii  hoose Dhexe ee Ceel cade uu u xirnaa muddo sided bilood ah ahayd intii u dhaxaysay November 2013 ilaa June 2014 macalin la’aan.

Guddiga waxbarashada ayaa sidoo kale sheegay in 4 macalin ay uga tagtay degmada Ceelwaaq markii ay heleen fariimo hanjabaad ah in la dili doono, tanoo ah xad gudub iyo dhibaato loo geysanayo macalinka oo ah barbaariyaha da’yarta, kuna shaqaynaya wakhtigaan mushahar la’aan.

Macalimiinta gobolka ayaa ku shaqeeyo lacago bulshada qurba joogta ahi soo gaarsiiso goobaha waxbarashada, sidoo kale ururo iyana guddaha ka hawl galla ayaa gaarsiiya waxoogaa kaalmo ah, waxaa kaloo jira lacago aan badnayn oo laga qaado ardayda ay qoysaskooda awoodaan inay wax ka bixiyaan oo dhan $5 bishiiba, agabka wax lagu baro carruurta ayaa waxaa bixisa UNESCO oo u soo marsiisa hay’adda UNICEF.

Ibraahim Faarax oo ah kuddiga kormeerka waxbarashada gobolka, hay’adda UNICEFna kala shaqeeya wacyi gelinta waxbarashada gobolka ayaa  weriyaha Ergo u sheegay in guud ahaan gobolka ay ka furan yihiin 78 dugsi oo hoose, dhexe iyo sareba ah, waxaana ka hawl gala 300 oo macalin, macalimiintaan ayaa isugu jira kuwo raashin yar ku bedesha shaqaday qabtaan kuwo kalena waxay qaataan inta u dhaxaysa 50 ilaa 100 dollar.

Guddiga waxbarashada gobolka ayaa ugu baaqay dadweynaha inay xil iska saran wanaajinta nolosha macalimiinta iyo ka ilaalinta dhiibaataynta si ay fursad ugu helaan waxbarista carruurt.

Axmed Cumar Saalixi

Previous Post

100 ka mid ah maxaabiista Boosaaso ku xiran oo helay tababar xirfado

Next Post

XAALADDA MACALIMIINTA GOBOLKA GEDO

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
XAALADDA MACALIMIINTA GOBOLKA GEDO

XAALADDA MACALIMIINTA GOBOLKA GEDO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo